Labo kamid ah hay’adaha Sirdoonka Puntland oo la mideeyay

Image

GAROOWE, Puntland- Golaha xukuumadda Puntland ayaa cod buuxa ku mideeyay hay’adihii Sirdoonka ee PIA-da iyo PSS-ta oo dhawaan Madaxweyne Gaas xilalkii ka qaaday Agaasimayaashoodii.

Shirka golaha wasiirrada Puntland, waxaa lagu sheegay in si loo helo hay’ad nabad sugid oo howlaha amniga si buuxda uga shaqaysa la mideeyay labadaas hay’adood loona bixiyay PISA.

“Golaha xukuumada Dowladda Puntland oo tixraacaya dastuurka dalka iyo baahida loo qabo hay'add Amni oo si buuxda u shaqeysa ayaa dood dheer ka yeeshay magaca iyo mideynta hay'addaha Amaanka dalka, waxayna golahu cod buuxa ku meel mariyeen mideynta hay'addaha PIA & PSS,isla markaan loo bixiyey Magac cusub oo ah hay'adda nabad-sugida iyo Amniga Puntland (Puntland intelligence and security agency (PISA).” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay shirka Khamiislaha ah ee golaha xukuumadda Puntland.

Kulankan ayaa sidoo kale looga hadlay amniga Puntland, waxaana wasaaradda Amnigu sheegtay inuu yahayd mid aad u wanaagsan iyadoo lagu ammaanay ciidamada qalabka sida difaaca ay ku jiraan.

Kulanka ayaa sidoo kale goluhu kaga hadlay xeerka Taya-dhowrka Khayraadka badda iyadoo wasaaradda Kalluumaysigu qaybsisay xeerkaas.

“Golaha xukuumada Dowladda Puntland ayaa warbixin kooban ka dhageystay Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda oo u qeybisay golaha xeerka tayo-dhowrka kheyraadka Badda, xeerkaan oo qeexaya baarista, tayada, hubinta iyo cadeynta guud ahaan kaluunka ayaa lagu meel marin doonaa kulanka xiga ee golaha xukuumadda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka golaha xukuumadda Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM