Lacago Faalso ah oo lagu arkey suuqayada Puntland [Dhageyso]

Image

09 August, 2015 (GO)- Wasiirka maaliyadda Puntland Cabdullaahi Sheekh Axmed oo gaaray dagmadda Qardho ee gobolka Kar-kaar ayaa saxaafada u sheegay in lacago been abuur ah oo ka yimid Koonfurta Somalia lago arkey goobo ka tirsan Puntland isagoo xusey  in gudii baaris ku sameeya u saarey. 

"Waxaa loo xil saaray hay'ado kala duwan kuwasoo dagmo walba iyo gobol walba jooga, lacagtaasi waa ay jirtaa, Koonfur ayayna ka soo gashay raad keedana waa lagu joogaa, kuwana hadda ayaa la qabtay" ayuu yiri wasiirku.

Horaantii todobaadkan magaalada Gaalkacyo lagu soo bandhigay lacag nooceedu tahay kunka Shilin ee Somaliga iyadoo maamulka Koonfurta Gaalkacyo saxaafada u soo bandhigay. Maamulkaan ayaan sheegin halka lacagtaan uga timid iyo cida lagu tuhmayo.

Dowlada Puntland ayaa sida la rumeysan yahay makiinad lagu sameeyo lacagta keentey magaalada Bosaso iyadoo dhisme uga sameysey xarunta Bangiga magaalada Bosaso.

Mashruuca lacagtaan Shilin Somaliga lagu sameyn lahaa oo ay shiraako ku yihiin dowlada Puntland iyo ganacsato saldhigoodu yahay magaalada Bosaso ayaa waxaa ka horyimid caqabado dhinaca farsamada ah halka ay jirto diidmo ka timid dhinaca shacabka ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM