Lugatoor oo soo xiray tartan loo qabtey Dugsiyadda ku yaalla Puntland

Image
Tartanka oo u dhexeeyey Dugsiyada Sare ee Boosaaso Public iyo Maxamed Cawaale Liibaan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa soo xidhay Barnaamijka Tartan iyo Tacliin ee sanadka 2024 oo soo geba-geboobay.

Tartanka oo u dhexeeyey Dugsiyada Sare ee Boosaaso Public iyo Maxamed Cawaale Liibaan oo labaduba ku yaala magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa waxa ku guulestay Dugsiga Sare ee Maxamed Cawaale Liibaan.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa u hambalyeeyey Dugsiga Sare ee Maxamed Cawaale Liibaan oo galay kaalinta 1-aad, isaga oo sidoo kale bogaadiyey Dugsiga Sare ee Boosaaso Public oo galay kaalinta 2-aad iyo Dugsiga Sare ee Xasbahalle oo galay kaalinta 3-aad iyo dhammaan Dugsiyadii kale ee ka qayb qaatay Tartanka inta uu socday oo tiradoodu dhamayd 32 Dugsi Sare.

Ugu dambayn Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa u mahadceliyey Wasaarada Waxbarashada, Idaacada Daljir, Guddiga Tartanka iyo dhammaan xarumaha iyo Dugsiyada Sare ee ka qayb qaatay qabsoomida tartanka.

Kulanka waxa ka qayb galay Wasiirka Waxbarashada Fu’aad Abshir Axmed, Wasiirka Warfaaafinta Maxamuud Caydiid Dirir, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada, xarumaha Barnaamijka taageerayey, Wakiilo ka kala socday Jaamacadaha iyo Dugsiyada Sare iyo masuuliyiin kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM