Lugatoore oo si rasmi ah ula wareegay xilka madaxweyne ku xigeenka Puntland

Image
Munaasabadda Xil-wareejinta ayaa ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland

GAROWE, Soomaaliya - Waxaa magaalada Garowe lagu qabtay maanta Munaasabadda xilwareejinta Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo xilka ku wareejiyey Madaxweyne Ku-xigeenka cusub Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor.

Munaasabadda oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland, waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Garsoorka Puntland, Golaha Wasiirada, Saraakiisha Amniga Madaxtooyada, Agaasimeyaasha Madaxtooyada, la taliyeyaal Madaxtooyo iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa munaasabadda ka muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay guulaha waaweyn ee laga gaaray gobolka Sool inta uu xilka haayay.

Madaxweyne Ku-xigeenka cusub ee Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa yiri: “Waxaan uga mahadcelinayaa Madaxweyne Ku-xigeenkii hore shaqadii wanaagsanayd ee uu soo qabtay.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu dambeyn soo xiray Munaasabadda isaga oo boggaadiyey shaqadii wanaagsanayd ee Madaxweyne ku-xigeenkii hore iyo doorkiisii joogtada ahaa ee shaqooyinkii u qabsoomay Dowladda wuxuuna u rajeeyay Madaxweyne Ku-xigeenka cusub in isna alle u fududeeyo masuuliyadda iyo howlaha horyaalla.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM