Lugatoore oo si rasmi ah ula wareegay xilka madaxweyne ku xigeenka Puntland

Image
Munaasabadda Xil-wareejinta ayaa ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland

GAROWE, Soomaaliya - Waxaa magaalada Garowe lagu qabtay maanta Munaasabadda xilwareejinta Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo xilka ku wareejiyey Madaxweyne Ku-xigeenka cusub Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor.

Munaasabadda oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland, waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Garsoorka Puntland, Golaha Wasiirada, Saraakiisha Amniga Madaxtooyada, Agaasimeyaasha Madaxtooyada, la taliyeyaal Madaxtooyo iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa munaasabadda ka muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay guulaha waaweyn ee laga gaaray gobolka Sool inta uu xilka haayay.

Madaxweyne Ku-xigeenka cusub ee Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa yiri: “Waxaan uga mahadcelinayaa Madaxweyne Ku-xigeenkii hore shaqadii wanaagsanayd ee uu soo qabtay.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu dambeyn soo xiray Munaasabadda isaga oo boggaadiyey shaqadii wanaagsanayd ee Madaxweyne ku-xigeenkii hore iyo doorkiisii joogtada ahaa ee shaqooyinkii u qabsoomay Dowladda wuxuuna u rajeeyay Madaxweyne Ku-xigeenka cusub in isna alle u fududeeyo masuuliyadda iyo howlaha horyaalla.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM