Maalinta duumada oo laga xusey magaalada Garowe

Image

GAROWE April 25,2015 ( GO)- Xarunta wasaarada caafimaadka Garowe ayaa maanta waxaa lagu qabtay xuska maalinta cududrka duumada.

Munasabadan ayaa looga hadlayay khatarta cudurka duumada leeyahay waxaana lagu soo bandhigayay halka xiligan ay marayso, barnamaijkaan ayaa waxaa soo qaban qaabisay wasaarada caafimaadka Puntland.

Madaxa duumaada wasaarada cafimaadka ee Puntland Dr. Cabdikariin Xuseen Xasan ayaa sheegay inay dadaal u galeen sidii looga hortagi lahaa xanuunada kaneecadu keento ayna 160 xarumood fureen.

Cabdikariin Xuseen ayaa tilmaamay in daawada malaariyada ka mid tahay adeegyada bilaash-ka  lagu bixiyo oo bulshadu heli karaan, waxaana uu intaas ku daray wacyi gallin wasaaradu samayso oo kali ah aan wax looga qaban karin, balse bulshadu iyagu ka hortagi karaan faafista cudurkan.

Dr. Shikh Cali madaxa  hay'ada caafimaada WHO ee Puntland ayaa  soo jeediyay dadka aqoonta u leh cudurkan inay  dadwaynuhu kala tashadaan sidii looga hortagi lahaa.

Wasiir dowlaha wasaarada caafimaadka Cabdilaahi Jaamac ayaa sheegay Puntland siyaasad cad ka leedahay hormarinta adeegyada caafimaadka, ayna qayb ka tahay sidii wax looga qaban lahaa cudurka duumada.

Cudurka duumada ayaa waxaa keenta kaneecada gaar ahaan teeda dhadig, waxaana sanad walba caalamka u dhinta dad fara badan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM