Maamulka Bayla oo ka hadley kaluumeysiga sharci darada [Dhageyso]

Image

31 Augusto, 2015(GO)-Gudoomiyaha degmada Bandar-bayla Siciid Aadan Cali ayaa sheegay inuusan wanagsanayn amniga degmadaasi oo u sababeeyay haraadiga Burcad Badeed halkaasi ku sugan oo wada khal-khal.

Siciid Anteena oo wareysi siinayay Radio Garowe ayaa sidoo kale xusay inay jiraan dhibaatooyin kale oo ay ka mid tahay Maraakiib shisheeyo oo degmada ka wada Jiriif, waxana uu carabka ku dhuftay inay gacan ula tagi doonaan maadama sida uu hadalka u dhigay uu gaabis uga yimi dhanka xukuumada oo horey qaylo dhaan usoo gudbiyeen.

Dhanka mashaariicda degmada laga fulinayo ayuu tilmaamey inay yartahay gaar ahaan mashruuca hormarinta degmooyinka Puntland ee JPLG oo uu sheegay in sanadkan Puntland oo dhan u ku yaraa.

Gudoomiyaha degmada Bandar-bayla Siciid Aadan Cali ayaa ka hadlay arimo kale oo ay ka midyihiin doorashada golaha deegaanka oo lagu wado in la qabto sanadka dambe horaantiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM