​Maamulka degmada Galkacyo oo Tagaasida u digay

Image
Image

GALKACYO, Puntland- Dhowr iyo toban gaari ayaa maanta shaqada laga joojiyay kuwaasoo xasbiga loo taxaabay, waxaana looga digay inay qaadaan dadka cabsi ka muujiyay rasaas goos-goos ahayd oo maanta laga maqalayay xaafadda Garsoor oo ay maamusho Puntland.

Xiisadda laga baqday ayaa ka dhalatay kadib markii maamulka Galmudug uu halkaas ka bilaabay dhisme uu ugu yeeray Saldhig ciidan, waxaana goobtaasi saaka tagay ciidamada ammaanka Puntland kuwaasoo ku guulaystay inay bur-buriyaan oo ay hakiyaan qorshahaasi.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa saaka billaabay inay u qaxaan nawaaxiga degmada Galkacyo kadib markii ay ka walaaceen in arrintaasi dagaal isu badasho, balse waxaa qorshahaasi ganafka ku dhuftay maamulka degmada oo sheegay inaysan ahayn arrintu sida loo buun-buuniyay.

Guddoomiyaha Galkacyo Yaasiin Axmed Tumay oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegay in xaaladdu dagantahay islamarkaana qorshaasi walaaca laga qabo tahay mid u baahan xallin yar isagoo u digay darwallada kaxaysa baabuurta Tagaasida ah ee isaga kala goosha deegannada Puntland, wuxuuna sheegay in ciidda magaalada ka samaysa barakicin inay la kulmi doonaan kanaax adag islamarkaana shaqada laga joojin doono.

Ilaa 12 gaari ayaa saaka maanta xabsiga loo taxaabay, waxaana laamaha amniga la faray inay qabtaan baabuuri sida dad barakacaya.

Dhowr jeer oo hore ayaa dagaallo dhexmareen maamullada Puntland iyo Galmudug kuwaasi ka arrimiya magaalada Galkacyo.

Xaaladda xarunta gobolka Mudug ayaa ah mid daggan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM