Madaafiic lagu riday Laascaanood iyadoo loo dabaaldagayo maalinta bini'aadantinimada

Image
SAWIR HORE

LAASCAANOOD, Soomaaliya - Puntland oo kaashanaysa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadantinimada ayaa si wada jir ah u xusay maalinta caalamiga ah ee bini’aadantinimada.

Munaasabadan ayaa diiradda lagu saaray wax ka qabashada arrimaha muhiimka ah ee gobolka Sool iyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka dhibaateysan ee gobolkaas ku nool.

Maalinta bini'aadantinimada aduunka ayaa ku soo beegantay iyadoo maanta madaafiic lagu garaacay shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood, kuwaasoo geystay khasaare aan weli la shaacin baaxadeeda.

Shacabka magaalada ayaa la soo deristay xaalad nolol xumo iyo duqeymo joogta ah oo ay geysanayaan ciidamo taabacsan madaxweyne Muuse Biixi.

Iyadoo ay taasi jirto ayaa hadana Beesha Caalamku waxay iska indha tireysaa dambiyada arxan darada ah ee lagu hayo shacabka ku dhaqan magaaladaas oo maanta u baahan in loo gurmado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM