Madaxtooyada oo ka warbixisay kulanka Deni iyo Isimada Mudug

Image
Image
Image

GAALKACYO, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Goleyaasha dowladda ayaa kulan la qaatay maamulka gobolka Mudug kan degmada Gaalkacayo, Isimada, waxgarad, siyaasiyiin iyo masuuliyiin ka socdey Guddiga horumarinta Gobolka Mudug.

Muhiimadda kulanka oo uu faahfaahiyey Afhayeenka Madaxtooyada dowladda Puntland Mudane Jama Yuusuf Jaamac Dabaraani ayaa looga hadlay arrimaha Amniga, xasiloonida iyo horumarinta gobolka.

“Madaxweynha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxaa uu caawa xarunta Madaxtooyada ee Gaalkacayo kulan kula qaatay hogaanka dhaqanka gobolka Mudug, qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo haldoorka gobolka iyo Gudiga horumarinta Gobolka, Madaxweyne Deni ayaa dhagaystay warbixin ay kasoo gudbiyeen xaaladda guud ee gobolka waxaa ay ka warameen horumarka socda, caqabadaha, Fursadaha iyo baahiyaha gobolka ka jira".

"Madaxweynaha ayaa aad uga mahad celiyey sida quruxada badan ee qoraalka ah ee xaaladda gobolka uga warbixiyeen, waxaana uu sheegay in Dowladdu wax badan ka qabanayso baahiyaha ka jira gobolka, iyada oo loo kala horumarinayo sida ay u kala mudan yihiin, isla’markaana Madaxweynuhu waxaa uu ku baaqay in laga wadashaqeeyo amniga" Ayuu yirin Afhayeenka Dowladda

Puntland State House

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM