Madaxtooyadda Puntland oo qirtay tuhunka muddo kororsiga

Image
Qorshaha Deni ayaa ah in doorashadda madaxweynaha Puntland ay dib uga dhacdo 8-da Janaayo, 2024

GAROWE, Puntland - Golaha Wasiirada Puntland ayaa todobaadkii hore soo jeediyay in wax ka badal lagu sameeyo dastuurka Puntland iyada oo dalabkaas ay u gudbin doonaan Golaha wakiilada Puntland.

Talaabadaas ayaa waxaa ka dhalatay fal-celin balaaran iyo xiisad siyaasadeed waxaana si wayn uga hor yimaadeen ururada siyaasadda iyo siyaasiyiin madax banaan.

Wasiirka Madaxtooyadda Puntland, Cabdifataax Maxamed Cabdinuur ayaa si rasmi ah waxa uu u xaqiijiyey tuhunka muddo kororsiga, waxaana uu toosh ku ifiyey damaca madaxwaynihiisa waqtiga ka dhacayo.

"Ururada kusoo baxa doorashada goleyaasha degaanka ayaa go'aan ka gaaraya nooca ay noqoneyso doorashadda madaxweynaha Puntland," ayuu Cabdifataax uga jawaabay su'aal la waydiyey.

Su'aasha oo la hor-dhigay xilli uu ka qeybgalayay barnaamijka dooda Jimcaha ee Laanta Afka Soomaaliga BBC-da ayaa ku saabsaneyd nooca ay noqoneyso doorashadda madaxweynaha Puntland.

Qorshaha Deni ayaa ah in doorashadda madaxweynaha ay dib uga dhacdo 8-da Janaayo, 2024 isla markaana uu sameysto muddo kororsi labo sano ah isaga oo adeegsanaya Ururo uu rabo in uu soo saarto.

Siyaasiga, Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed oo dooda kula jiray Cabdifataax ayaa tilmaamay in ay ka war-hayaan doonista Deni isla markaana loo baahan yahay in uu caddeeyo mawqifkiisa ku aadan ku darsiga iyo in uusan ku hoos wadin barnaamijkaan.

"Madaxweyne Deni isaga ayaa looga baahan yahay in uu banaanka usoo baxo oo uu caddeeyo mawqifkiisa cid kalena damaanad ugama noqon karto; anaga ayaa lasoo shaqaynay waan naqaan," ayuu xusay.

Go'aanka uu Deni ku doonayo in uu ku furo dastuurka Puntland ayaa ujeedada uu ka leeyahay waxay tahay in uu kusoo saarto ugu yaraan saddex urur siyaasadeed si uu kaarkooda ugu adeegsado dano siyaasi ah.

Qodobka 46aad ee dastuurka Puntland ayaa xeerinaya in tirada kama dambeysta ah ee noqonaysa xisbiyada saxda ah ay yihiin saddex balse Deni wuxuu haatan doonayaa in uu gaarsiiyo illaa iyo shan xisbi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM