Madaxtooyadda Puntland oo si KMG ah u hakisay in lala kulmo Deni

Image

GAROWE, Puntland - War kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland maanta oo Talaado ah, ayaa lagu shaaciyay in si KMG ah loo hakiyay ballamada iyo qaabilaadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Qoraalkan oo uu ku saxiixan yahay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda, Cabdinaasir Biixi Soofe ayaa lagu sheegay in duruufo jira awgood loo joojiyay qaabiladda uu mudane Deni qaabili jiray dadweynaha iyo xubnaha Gollayaasha dowladda, illaa amar dambe.

Taliyeyaasha iyo Agaasimayaasha Madaxtooyadda ayaa lagu wargeliyay go'aankan, iyadoo aan lagu sheegin qoraalka duruufaha keenay hakinta kulamadii lala yeelan jiray Madaxweynaha.

Tani ayaa kusoo aadaysa xilli Madaxweyne Deni uu ku mashquulsan yahay soo xulista Gollahiisa wasiiradda, oo lagu wada inuu ku dhawaaqo kahor 14-ka bishan.

HALKAN KA AKHRI QORAALKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM