Madaxwayne Deni oo digniin u diray xubnaha xukuumadiisa

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa uga digay xubnaha xukuumadiisa in ay ka gaabiyaan in ay dhex-galaan dadka ay metelaan, isaga oo ku wargeliyey "in ay u gacan-dhaaftey" dowladda federaalka ee muddo xileedkeeda uu dhamaadey.

Deni ayaa mas'uuliyiinta dowladiisa wuxuu u mariyey hadaljeedintiisa Madasha PDRC Talks taasoo uu diiradda ku saarey arrimo kala duwan oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya kuna soo bandhigay macluumaadyo qarsoon oo daaha ka rogay "wejiga qarsoon" ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

"Dadka mas'uuliyiinta ee halkan [kulankii Madasha PDRC Talks] jooga waxaan idin sheegayaa dadkiina waa la idin gacan-dhaafay. Hadaa aamusi lahaydeen oo la idinka kaxeysan lahaa oo nimanka hadda Xamar jooga aad noqon lahaydeen oo kale iyo hadaad damiir yeelan lahaydeen horta idinka ayay idin taalaa. Wixii dhacay sideetamaadkii haddey soo noqdaan waa wax aan annagu isbadnay," ayuu qeybta ugu dambeysa ee khudbadiisa ku yiri Deni.

Habeenkii uu hadlayey Deni waxaa xarunta PDRC Talks ku sugnaa wasiiro ay kamid yihiin arrimaha gudaha iyo dimuqraadiyeynta, qorsheynta iyo xubno kale oo kamid ah Laanta Fulinta ee dowladda Puntland.

"Waxaan u dirayaa adkeynta Puntland midnimadeeda, dhulkeeda in ay tahay arrin lama taabtaan ah. Raadinta Soomaali federaal oo mid ahna in loo saciyo illaa iyo ay ka imaaneyso la sabro. Haadaan in lagu dhaco aniga kuma talinaayo. Soomaali ayaan jecelnahay haadaan ha loogu dhaco aniga kuma talinaay. Illaa wax cad oo la yaqaano oo wixii qornaa la ixtiraamayo yimaadaan waxaan qabaa xoogga waxaad saartaan Puntland iyo jiritaankeeda," ayuu tibaaxay.

Dhawaqa Deni ayaa kusoo aadaya xilli qaar kamid ah mas'uuliyiinta xukuumadda Puntland aysan tagi karin degaanada ay kasoo jeedaan sababo la xiriira in uusan cilaaqaad fiican kala dhaxeyn dadka ay metelaan.

Intii uu hadal-jeedinta wadday, xogaha uu banaanka soo dhigay Deni waxaa kamid ah in uu shaaca ka qaadey in Farmaajo la wadaagay in qeybo kamid ah dalka oo Puntland ay kamid tahay ay ugu diyaarsan yihiin taageerayaal u carbisan in ay ka shaqeeyaan sidii uu dib xukunka ugu soo laaban lahaa.

"Kulamada gaarka ah isaga oo moodaya in aan dhisi doono wuxuu ila wadaagay xogo uu aamisan yahay in ay sahlayaan in mar labaad la doorto oo ay kamid tahay lacag, ciidan iyo xoogag waddaniyiin ah oo dalka oo dhan u jooga oo ay kamid tahay Puntland," ayuu daaha ka rogay madaxweynuhu.

Sidda laga soo xigtay Deni, Madaxtooyadda Soomaaliya waxay dooneysaa in dalka ay xoog ku maamusho talaabadaas oo horseedi karta dagaal sokeeye loona baahan yahay Shacabka ay si wadir ah u diidaan.

"Ragga mas'uuliyiinta Xamar jooga mid kamid ah ayaan waydiiyey 'xoog iyo juujuub maxaad ku xukumi kareysaan?' Wuxuu yiri 'Al-Shabaaba dalkan ku xukuntaa' oo sidda Al-Shabaab hadaad noqotaan maxay tahay waxa aad raadineysaan ileen dastuurkeena argagixisanimo, xoog iyo juujuub in dad lagu xukumo ma qoraayo caqliga saliimka ahna diyaar uma ahan nolosha dabiiciga ahna taas ma keeneyso," ayuu carabka ku adkeeyay.

Farmaajo oo muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey 8-dii Febraayo ayay musharaxiintu sheegeen in aysan u aqoonsaneyn madaxwayne sharciyad haysta, taas bedelkeeda, waxay dalbadeen faragelin caalami ah iyo in la sameeyo gole qaran oo ku meelgaar ah dalkana doorasho geliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM

Soomaaliya: Muxuu Axmed Madoobe Ka Yiri Howlgalada Puntland ee ka Dhanka ah Daacish?

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u xusay guulaha muuqda ee Puntland ay ka gaartay howlgalka Hilaac.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 08:51AM