Madaxwayne Deni oo qaabilay hay’ad ka dhisan waddanka Mareykanka

Image
Dhakhaatiirtan ayaa sanadkii labo mar u yimaada dalka in ay la shaqeeyaan Dowladda gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi ka socda Hay’adda Global Health Alliance ee ka dhisan Wadanka Maraykanka Gobolka Minnesota, Hay’addan ayaa waxaa ku mideysan dhakhaatiir Soomaali iyo Ajanabi isugu jirta.

Dhakhaatiirtan ayaa sanadkii labo mar u yimaada dalka in ay Dowladda gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka kala shaqeeyaan horumarinta Caafimaadka, sida tababarada, qalabeynta iyo adeegga danbeysan caafimaadka oo markii ugu horeeyay Soomaaliya la keeno.

Kulanka waxaa Madaxweynaha kal qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel iyo Mudane Shiikh Tawakal Ismaaciil oo ka socda Jaaliyadda Minnesota ee dalka Maraykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM