Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Puntland oo geeriyoodey

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dowladda Puntland mudadii u dhaxeysay 2009-14, Cabdisamad Cali Shire, ayaa xanuun awgii wuxuu Khamiista ugu geeriyoodey magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Madaxtooyada Puntland ayaa ka tacsiyeysay geerida marxuumka. Qoraal kasoo baxay waxaa lagu sheegay in ay muragada la wadaageyso qoyska, caruurta, asxaabta, ehelka iyo shacabka Puntland.

"Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku hadlaaya magaciisa, kan Dowladda iyo kan shacabka Puntland waxa uu tacsida iyo tiiraanyada geerida Alle naxariis waarta ha siiyee Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland Janaraal Cabdisamad Cali Shire la qayb-sanayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay," ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Alle ha u naxariistee Madaxweyne Cabdisamad Cali Shire waxa uu ka mid ahaa ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxa uu masuuliyado kala duwan kasoo qabtay Dowladdii dhexe ee Kacaanka, burburkii kadib waxa uu ka mid ahaa aasaasayaashii Puntland, sanadihii 2009 -2014 waxa uu soo noqday Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, hadda waxa uu kamid ahaa Guddiga Dib u Habaynta Ciidanka qalabka sida ee Dowladda Puntland".

"Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxa uu Alle 'SWC' u waydiinayaa dembi dhaaf iyo naxariistiisa Janno. Samir iyo iimaanna ka siiyo  dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ah.

Dhanka kale, Karaash ayaa wuxuu magacaabay guddi ka kooban sagaal xubnood kuwaasoo la sheegay in ay ka shaqeyn doonan Aas Qaran oo loo sameyn doono marxuum Cabdisamad Cali Shire.

Guddigan oo ka kooban  9-xubnood ayaa kala ah.

1. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Cawil Shiikh Xaamud ( Guddoomiye )

2. Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Siciid Cismaan Aadan (Xubin )

3. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Jaama Faarax Xasan (Xubin)

4. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cabdi Ibraahin Warsame Qawdhan (Xubin)

5. Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Agaasimaha Cabdiweli Cali Cabdulle Timacadde ( Xubin )

6. Taliyaha Ciidanka Daraawiishta S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere (xubin)

7. Taliyaha Ciidanka Booliiska S/ Guuto Cabdi Xasan Xuseen (Xubin)

8. Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cawil Axmed Maxamed (Xubin)

9. Guddoomiyaha Degmada Garoowe Axmed Siciid (Axmed Barre ) (Xubin)

Dhanka kale, Villa Soomaaliya ayaa tiri: "Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, Dawlad Goboleedka Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdisamed Cali Shire oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho".

Siyaasiyiin ay kamid yihiin musharaxiin madaxwayne iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda ayaa sidoo kale waxay dhambaalo tacsi ah u dirayaan isla markaana ay midnimo ugu muujiyeen uguna duceeyeen qoyska marxuumka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM

Soomaaliya: Muxuu Axmed Madoobe Ka Yiri Howlgalada Puntland ee ka Dhanka ah Daacish?

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u xusay guulaha muuqda ee Puntland ay ka gaartay howlgalka Hilaac.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 08:51AM