Madaxwayne Saciid Deni oo qorsheynaya isku-shaadeyn cusub

Image
Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale wuxuu u diyaar-garoobayaa safar uu ku tago Boosaaso.

GAROWE, Puntland – Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa qorsheynaya isku-shaadheyn kooban oo ay xilalka ku waayi doonan laba xubnood oo ka tirsan Golaha Wasiirada Puntland, sidda uu fahansan yahay mareega Garowe Online.

Wasiiradda Caafimaadka iyo Warfaafinta, Dr Jaamac Faarax Xasan iyo Maxamuud Caydiid Dirir oo kasoo wada jeeda gobolka Sool, ayaa, sidda ay macluumaadka xaqiijinayaan, waxaa lagu badali doonaa xubno cusub.

Sidda ay tibaaxayaan illo wareedyadda, madaxwayne ku xigeenka, Axmed Cilmi Cusmaan Karaash, ayaa "ogolaadey isbadalkan". Balse, Deni ayaa si gaar ah u codsadey ceyrinta Dirir kadib hadalkii kaga dusay doodii idaacadda BBC-da.

Dirir ayaa lagu badali doonaa Qaalib Baaruud oo horey uga tirsanaa BBC-da isla markaana kamid ahaa lataliyeyaasha arrimaha warfaafinta ololihii Deni ee doorashaddii madaxtinimada Soomaaliya ee qabsoontey May, 15, 2022.

"Karaash ayaa dhankiisa uu ka imaan doonaa qofka badali doona wasiirka caafimaadka," ayay raaciyeen illo wareedyadda u waramay GO. "Madaxwayne ku xigeenka muddo ayuu u ololeynayay in la badalo wasiirada reer Sool".
 
Hadalka galaafanaya Wasiir Maxamuud Caydiid

Madaxwayne ku xigeenka Puntland ayaa sidoo kale wuxuu muddo xusul-duub ugu jiray in meesha laga saaro Wasiirka Gaadiidka iyo Garoomada, Ilyaas Cusmaan Lugatoor, ahna xoghyaha ururka KAAH iyo saaxiibka dhow Saciid Deni.

"Madaxweynaha ayaa ku adkeysatay sii joogitaanka Lugatoor maadaama uu yahay wasiirka uga shaqeeya gacanta ku haynta ururkiisa KAAH," ayay raaciyeen illo wareedyadda.

Isbadaladan ayaa kusoo aadaya xilli dhowaan uu madaxwayne Deni xilka ka qaadey wasiiradda kasoo jeeda gobolka Nugaal oo uu jiro Xasan Shire Abgaal oo sanadihii lasoo dhaafay madax ka ahaa Wasaaradda Maaliyadda.

Madaxwaynaha Puntland ayaa tacab badan gelinaya sidii uu qaab aan heshiis lagu ahayn ugu hirgelin lahaa doorashooyinka tooska ee goleyaasha degaanka oo daneeyeyaasha siyaasaddu ka digeen inuu ku hoos jiro ajande qarsoon.

Ajandahaas ayaa qeyb ahaan waxaa todobaadkii hore dusiyey wasiir Dirir mar uu ka qeybgalaayey dooda laanta afka Soomaaliga ee BBC-da wuxuuna sheegay in xisbiyada soo bixi doona go’aamin doonan nooca doorashada madaxtooyada.
 
Safarka Boosaaso iyo ciidamo horudhac ah

"Ma jiro sabab aan ahayn tan oo wasiirka ku waayi doonno xilkiisa," ayay raaciyeen dadka u dhuun-daloola dhaqdhaqaaqa gudaha xukuumadda iyo madaxtooyadda Puntland oo u waramay warsidaha Garowe Online.

Madaxwayneyaashii hore ee Puntland Senator Faroole iyo Dr Cabdiwali Gaas oo qeyb ka ahaa dooda ayaa ku taliyey in la hakiyo geedi-socodkan sababo ku aadan daruufaha abaareed, dhaqaale, siyaasadeed iyo waqtiga oo aan saamaxeyn.

Sida ay muujinayaan warbixinadda, Deni ayaa dhagaha ka fureysanaya baaqyadda daneeyeyaasha isaga oo bartilmaameedkiisu yahay sidii uu u abuuran lahaa dhaxal-siyaasadeed oo uu ku ololeeyo doorashada madaxtinimada Soomaaliya ee sanadka 2026.

"Madaxwaynuhu wuxuu dhowaan kusii jeedaa xarunta gobolka Bari ee Boosaaso si uu taageero ugu goobo riyadiisa. Ciidamo ayuu iska sii horumariyey maadaama markii ugu dambeysay uu tagay kaga soo laabtey dhiilo colaadeed," ayay xuseen illo wareedyada oo magacyadooda ka gaabsadey.

Boosaaso ayaa sumad madow u ah nidaamka madaxwayne Deni. Ku dhowaad laba jeer, xiisad siyaasadeed ayaa isku-badashay gacan ka hadal iyo dagaal sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac si lamid ah burbur hantiyadeed.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Daacish oo Dhaawac weyn algu gaarksiiya Gobolka Bari

Ciidamada Puntland ayaa qabsaday ugu yaraan shan saldhigyo istiraatiiji ah oo ay isticmaali jireen maleeshiyada Daacish.

  • Puntland

    11-01-2025

  • 11:08AM

Soomaaliya: Puntland oo ku eedeysay DFS inay musuq-maasuqdo Gargaarka Bini'aadanimo

Maalmo kahor, Wasiir Maareey, ayaa ka been abuuray Cagaf-cagafyo Bangiga Aduunka ugu tala-galay Beeralayda Soomaaliya

  • Puntland

    09-01-2025

  • 05:10PM