Madaxweynaha dalka Brundi oo ka digay halista Al-shabab

Image

Madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza, ayaa sheegay in dalkiisa ay halis kaga soo wajahan tahay Xarakada al-Shabaab ee Soomaaliya.

Madaxweyne Nkurunziza, ayaa markii u horaysay la hadlay warbaahinta caalamiga ah tan iyo markii uu dhacay afgambigii fashilmay ee la doonaayay in dowladdiisa lagu rido isbuucii hore.

Asaga oo ka hadlayay Bujumbura, Pierre Nkurunziza waxa uu si kooban uga hadlay halista Burundi, Kenya iyo Uganda ka haysata ururka Al-shabaab, waxa uuna qiray in ay jirto halis al-Shabaab.

Weriyaha BBC-da ee halkaasi ku sugan waxa uu sheegayaa in madaxweynuhu uusan marna soo hadal qaadin, Afgembiga iyo qalalaasaha hadda dalkiisa ka taagan.

Kaddib markii u la hadlay saxaafadda, waxa uu raacay kolonyo baabuur ah oo aad loo ilaalinayay.

Dadka ka soo horjeeda waxa ay ku baaqayaan in dibad baxyadu ay sii socdaan, kuwaas oo looga soo horjeedo qorshaha uu ku doono in uu mar sedaxaad isu soo sharaxo xilka madaxweynaha.

Doorashooyiinka dalkaasi ayaa la qorsheeyay in ay dhacaan dhammaadka bisha soo socoto.

XIGASHO:BBC

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM