Madaxweynaha dowlada Puntland oo ku biiray urur siyaasadeedka Kaah

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Khamiis ah wuxuu si rasmi ah isaga diiwaangeliyey urur siyaasadeedka la yiraahdo "Kaah".

Madaxweynaha oo booqdey xarunta ururka waxaa waxaa kusoo dhoweeyay guddoonka ku meel gaarka ah ee ururka iyo qaar kamid ah xubnahiisa.

Kadib, wuxuu u gudbey qeybta diiwaangelinta, halkaasi oo uu Madaxweynuhu si rasmi ah isu diiwaangeliyay xubinimada Urur Siyaasadeedka Kaah.

"Hirgelinta nidaamka xisbiyada badan ee Puntland waxaa uu ka mid ahaa qorsheyaasha Iyo Siyaasadda Madaxweyne Deni, waxaana ay dowladdu muddo 7 bilood ah kusoo dhistay Guddiga Doorashooyinka Ku meel gaarka ah oo wakhti yar shaqooyin muuqda ku qabtay, Iyadoo ay is diiwaangeliyeen 17 urur siyaasadeed," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda.

Ururkaan Kaah ayaa wuxuu kamid yahay 17 urur siyaasadeed oo shahaada ku meelgaar ah u sameeyay guddiga doorashooyinka Puntland ee TPEC.

Puntland oo hormuud u ah nidaamka federaalka ee hadda muuqaneyso in uu ka hana-qaadey geyiga Soomaaliya ayaa isu diyaarineysa in doorashooyinka soo aadan ay noqdaan qof iyo cod.

Xukuumadda oo balanqaadey in ay dedaal badan gelineyso siddii shacabka loogu celin lahaa awooda ay kusoo doortaan hogaankooda ayaa caalamka ku boorisay in ay taageeran qorshahan.

Nidaamka xisbiyada badan ayaa meesha ka saari doona hanaanka qabiilka ee 4.5 oo Puntland kusoo dhaqmeysay tan iyo aas-aaskeeda, waxaana laga shaqeynayaa siddii loosoo afjari lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM