Madaxweynaha dowladda Puntland oo magacaabay wasiir ku xigeen

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha.

Sidda lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiska Deni oo lasoo dhigay barta Facebook ee Madaxtooyadda dowladda Puntland, waxaa jagadaas loo dhiibay Hodon Saciid Xasan.

Hoos ka akhriso digreetadda


Garoowe: 04 June 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr.45 ku magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad

Marku arkay: Aqoonteeda, kartideeda iyo Waayo-aragnimadeeda shaqo

Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Hodon Saciid Xasan loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqalaha, Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha

*Xeerkani wuxuu dhaqan galayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

* Wasiir Hodan Saciid Xasan ayaa maanta si rasmi ah loogu dhaariyey xilka wasiirnimo ee loo magacaabay.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.


Deni ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay wadday isbedelo uu ku samenayo hay'addaha kala duwan ee dowladda talaabadaas oo uu ku qeexay mid lagu tayeynayo dowladnimadda iyo wax-qabadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM