Madaxweynaha dowladda Puntland oo magacaabay wasiir ku xigeen

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha.

Sidda lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiska Deni oo lasoo dhigay barta Facebook ee Madaxtooyadda dowladda Puntland, waxaa jagadaas loo dhiibay Hodon Saciid Xasan.

Hoos ka akhriso digreetadda


Garoowe: 04 June 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr.45 ku magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad

Marku arkay: Aqoonteeda, kartideeda iyo Waayo-aragnimadeeda shaqo

Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Hodon Saciid Xasan loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqalaha, Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha

*Xeerkani wuxuu dhaqan galayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

* Wasiir Hodan Saciid Xasan ayaa maanta si rasmi ah loogu dhaariyey xilka wasiirnimo ee loo magacaabay.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.


Deni ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay wadday isbedelo uu ku samenayo hay'addaha kala duwan ee dowladda talaabadaas oo uu ku qeexay mid lagu tayeynayo dowladnimadda iyo wax-qabadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM