Madaxweynaha Gaas oo ka jawaabay eedayn loo jeediyay [Dhagayso]
GAROWE, Puntland- Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Cali Gaas, ayaa maanta arrimo kala duwan ka hadlay, kadib mar uu kasoo dagay magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari, halkaas oo ay soo dhaweyn ugu sameeyeen xubno katirsan dowladda iyo bulshada halkaas ku dhaqan.
Madaxweyne Gaas, ayaa shir jaraa'id oo ku qabtay Bosaso, kusoo hadal qaaday eedayn labo maalin ka hor uga timid Xildhibaan katirsan Barlamanka Puntland oo sheegay in xukuuaddu dhunsatay lacag ku dhow 4 Malyan oo laga helay dowladda Federaalka taasoo qayb ka ahayd deeq laga helay Sucuudiga oo loo qaybiyay maamullada waddanka ka jira.
Gaas, wuxuu hadalka Xildhibaankaas ku sifeeyay mid iska hadlay oo saxaafadda u gubiyay waxyaabo aan sal iyo raad lahayn, wuxuuna ka codsaday dowladda Federaalka inay caddayso.
"Waxaa rabaa anoo fursadan ka faa'iidaysanaya inaan ka jawaabo, waxaan arkayay nin Xildhibaan ah oo Idaacadaha ka qayl qaylinayay oo sheegayay war aan sax ahayn iyo dukumintiyo been ah, lacag baa Puntland Federaalku siisay iyo waa la dhunsaday, hade dowladda Federaalku waa joogta inay ka jawaabtaa la rabaa, ciday siisay iyo halkay ku bixisay iyo akoonkay ku shubtay," Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
Wuxuu hadalkiisa ku daray inaysan jirin wax mucaawano ah oo Puntland kasoo gaaray dhinaca dowladda Federaalka Somalia.
Dhinaca kale Madaxweyne Gaas, ayaa ka hadlay hishiis dhexmaray Puntland iyo Galmudug, wuxuuna tilmaamay inuu jiro is-afgarad ay gaareen labada dhinac kadib markii ay kulamo ku yeesheen magaalada Abu Dhabi ee waddanka Imaaraadka Carabta.
“Dabcan halkaas waxaa ka jiray shir ay isugu yimaadeen madaxda dowlad goboleedyada Somaaliya, oo looga arrinsanayay waxayaabo badan oo quseeyo mustaqbalka Soomaaliya iyo geeddi socodka nabada Soomaaliyeed, dabcan hadii meel la isugu taga wax badan oo kalaa ka dhasha isu tagii aan meeshaas tagnay fursad kala isku aragnay ayay aheyd Madaxweynaha Galmudug iyo madaxda kale, wixii taagnaa ee shidada Gaalkacyo ayaa ka hadalnay, waa aragteen war murtiyeedkii Abuu Dhabi, waxaa lagu heshiiyo in xabad joojin la sameeyo, dadkuna ay magaalada kusoo laabtaan, wixii kala fogaansho Soomaaliyeed keenaya in laga fogaado waana rajaynayaa in xal waara laga gaaro xaaladda Gaalkacayo, sidoo kale waxaa cad in Puntland iyadu mar walba aysan duulaan ahayn balse ay dedaal dheer u gashay xasilinta xaaladda Gaalkacayo, waxayna raadinaysay mar kasta nabadgelyo iyo deris wanaag," Ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.
Madaxweyne Gaas, ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ku sugnaado magaalada Bosaso isagoo kulamo kala duwan la qaadan doona bulshada halkaas ku dhaqan.
GAROWEONLIE