Madaxweynaha Jubaland oo Garowe yimid

Image

April 29, 2015 (GO)- Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe ayaa goor dhow soo gaarey magaalada Garowe.

Mas'uuliyiinta ugu sarreysa dowladda Puntland, wasiirro, xildhibaanno, isimmo iyo boqollaal dadweyne ah ayaa wafdiga Madaxweynaha kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha.

Wafdiga waxaa loo gudbiyey dhanka madaxtooyada halkaasoo ay horay ugu sugnaayeen wafdi kale oo Madaxweynaha Dowladda Federaalku hoggaaminayey oo iyaguna shalay Garowe soo gaarey.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shiriif Xasan Sheekh Aadan ayaa isna isla maanta kusoo wajahan Garowe.

Wejiga labaad ee shirka wadatashiga dowladda dhexe ee federaalka iyo dowladaha qaybta ka ah federaalka ayaa ka dhici doona Garowe.

Shirkaas oo wejigiisii koowaad lagu qabtey Muqdisho waxaa diiradda lagu saari doonaa xoojnta xiriirka dowladda dhexe iyo dowladaha gobollada iyo weliba hirgelinta qorsheyaalka higsiga 2016.

Faah faahin dheeri ah iyo sawirrada dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM