Madaxweynaha Jubaland oo Garowe yimid

Image

April 29, 2015 (GO)- Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe ayaa goor dhow soo gaarey magaalada Garowe.

Mas'uuliyiinta ugu sarreysa dowladda Puntland, wasiirro, xildhibaanno, isimmo iyo boqollaal dadweyne ah ayaa wafdiga Madaxweynaha kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha.

Wafdiga waxaa loo gudbiyey dhanka madaxtooyada halkaasoo ay horay ugu sugnaayeen wafdi kale oo Madaxweynaha Dowladda Federaalku hoggaaminayey oo iyaguna shalay Garowe soo gaarey.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shiriif Xasan Sheekh Aadan ayaa isna isla maanta kusoo wajahan Garowe.

Wejiga labaad ee shirka wadatashiga dowladda dhexe ee federaalka iyo dowladaha qaybta ka ah federaalka ayaa ka dhici doona Garowe.

Shirkaas oo wejigiisii koowaad lagu qabtey Muqdisho waxaa diiradda lagu saari doonaa xoojnta xiriirka dowladda dhexe iyo dowladaha gobollada iyo weliba hirgelinta qorsheyaalka higsiga 2016.

Faah faahin dheeri ah iyo sawirrada dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM