Madaxweynaha maamulka Galmudug oo loo diidey wadaxajoodka Galkacayo

Image

GALKACAYO, Puntland- Magaalada Galkacayo oo maanta la filayey inuu ka dhaco kulan loogu hadlayo sidii loo joojin lahaa colaada maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa ku dhacey dib u dhac.

Madaxweynaha Puntland iyo madaxa qaramada midoobey arimaha Somalia ayaa ku sugan garoonka diyaardaha magaalada Galkacayo halkaas oo la filayo inuu ka dhaco shirka labada maamul.

Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa wararka soo gaaraya GO sheegayaan in qabaa'ilka gobolkaas daga kuwasoo diidan in wadahadal nabtadeed ay u diedeen inuu tago garoonka Galkacayo.

Dhinaca kale warar ayaa sheegaya in Ra'isal wasaaraha Somalia soo gaarey magaalada Galkaayo isagoo la sheegey in xaafada Baraxley kula kulmayo madaxwynaha maamulka Galmudug si uu ugu qanciyo beelaha maamulkaas iney qayb galaan kulankaan.

Magalada Galkacayo ayaa wayadaan waxaa ka socdey dagaalo u dhexeeya maamulada Puntland iyo Galmudug.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM