M. PL oo furay kal-fadhiga 35aad ee Barlamaanka [Dhageyso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

June 15, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta furay kal-fadhiga 35 ee Golaha Wakiillada Puntland. DHEGEYSO

Khudbad muddo dhowr iyo labaatan daqiiqo ah socotey ayuu munaasabadii furitaanka ka akhriyey, wuxuuna ka warbixiyey waxqabadkii dowladda ee lixdii bilood ee ugu dambeeyey.

Arrimo badan ayuu xusay in dowladdu wax ka qabashadooda ku guuleysatey, qodobada uu sida gaarka ah u taabtay waxaa kamid ahaa:

  • Xoojinta amniga
  • Kobcinta dhaqaalaha.
  • Tayeynta ciidamada.
  • Xoojinta xiriirka caalamiga ah.
  • Horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.
  • Dhiirigelinta maalgashiga iyo wax soo saarka gudaha.

Xafladda furitaanka waxaa sidoo kale ka hadlay Guddoomiyaha Baarlammaanka Siciid Xasan Shire, isagoo xusay in goluhu si hufan u gudan doono wajibaadkiisa oo ay ugu muhiimsan yihiin u qareemista shacabka iyo la-xisaabtanka xukuumadda.

Boqor Cabdullaahi Axmed Cali oo ku hadlayey afka isimmada ayaa kelmed dardaaran ahayd jeediyey, wuxuuna ku boorriyey dowladda iyo bulshadaba inay ka wada shaqeeyaan xoojinta amniga iyo midnimada.

Madaxa Xafiiska UNSOM ee Puntland Cumar Cabuudi oo isna ku hadlayey afka Qaramada Midoobey ayaa sheegay in Qaramada Midoobey sii joogteyn doonto taageerada ay siiso Puntland.

Madaxweynaha ayaa markii uu khudbadda jeediyey ka baxay hoolka, waxaana Guddoomiyaha Baarlammaanku xildhibaannda u sheegay inay su'aalahooda diyaarsadaan, marka ay diyaar garoobaan kadibna loo yeeri doono Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenku.

Kal-fadhiga 35aad ee baarlammaanka Puntland ayaa kusoo aadaya xilli la filayo isku-shaandheyn Madaxweynaha Puntland ku sameyn doono golihiisa wasiirrada.

Ajandeyaasha ugu muhiimsan ee kal-fadhigan diiradda lagu saari doono waxaa kamid ah: xisaab-xirka miisaaniyadda dowladda ee 2014, xaaladda amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda dowladda federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM