Madaxweynaha PL oo la kulmey madaxa hay'adda UNDSS

Image

June 11, 2015 (GO)- Madaxweynaha  Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta aqalka madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayey Madaxa Hawl-gallada Qaramada Midoobay ee Amniga iyo Badbaadinta (UNDSS), Mr.Nick Loven Teen.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka siiyey Mr.Nick Loven amaanka deegaanada Puntland, isagoo sheegay inuu yahay mid aad wanaagsan.

Loven Teen ayaa dhankiisa Puntland ku ammaanay horumarka ay gaartay , waxaana uu intaa raaciyey in Qaramada Midoobay ay marwalba garab taagan tahay Puntland kana taageerayso dhinac walba si loo dardar geliyo horumarka socda.

Madaxa hay'adda UNDSS ayaa sidoo kale sheegay in Qaramada Midoobey ay Puntland ka taageeri doonto xoojinta amniga iyo la-dagaalanka Ururka Al-shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM