Madaxweynaha PL oo tacsi u direy xildhibaanka la diley [Dhageyso]

Image

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa tacsi u direy shacabka Puntland gaar ahaan ehelada AHN Xildhibaan Siciid Nuur Dirir oo lagu diley galabnimada xalay maqribkii magaalada Galkacayo.

Mud. Cabdiweli Cali Gaas oo ku sugan wadanka Talyaniga ayaa sheegey in xildhibaanka Siciid Nuur dirir ahaa nin qaali ah islamarkaana shacabka Puntland ka codsadey in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka Al-Shabaab.

Gaas ayaa intaas raaciyey in sharciga la hor keeni doono kuwii ka dambeeyey dilka xildhibaanka.

Xildhibaan Siciid Nuur Dirir (Siciid Lugool) oo kamid ahaa mudanayaasha siyaasad ahaan aadka ugu dhow Madaxweynaha Puntland Cabdiwlei Cali Gaas ayaa waxaa toogtey dabley hubeysan salaadii maqribka kaddib, isagoo kasoo  baxaya  masjidka Abu Hureyra ee xaafadda Israac.

Dableyda dilka fulisey oo aan ilaa iyo hadda haybtooda la aqoonsan ayaa tacshiirad ku furey xildhibaanka kadibna labo bumbo oo nooca gacanta ah tuurey. 

Al-shabaab ayaa bilihii ugu dambeeyey weerarro la beegsaneysey saraakiisha dowadda iyo ciidamada amniga Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM