Madaxweynaha Puntland oo baaq u diray bulshada [Dhagayso]
GALKACYO, Puntland- Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo maanta warbaahinta kula hadlayay magaalada Galkacyo, ayaa diray baaq ku aadan khasaarihii ka dhacay qaraxyadii bishii hore dabayaaqadeedii lala eegtay xarunta dowladda hoose iyo iyo suuqa xero Dayax oo soo gaareen bur bur xooggan.
Qaraxyadaas ayaa saamayn xooggan ku yeeshay cusbitalka Galkacyo, waxaana madaxweynuhu baaqiisa diiradda kusaaray sidii looga qayb qaadan lahaa dhismaha xaruntaasi caafimaad oo uu sheegay inay tahay goob lagu dabiibi jiray buukaan Somalida oo dhan.
Gaas ayaa bulshada ku booriyay inay u istaagaan sidii wax looga qaban lahaa bur-burka soo gaaray xarumahaasi muhiimka ahaa, isagoo xusay in maanta loo baahanyahay waxqabad ee aan la doonayn dhaliil iyo wax ka sheeg.
Madaxweynaha ayaa mahad celin u jeediyay dadkii kaalmada soo gaarsiiyay Cusbitalka Galkacyo, wuxuuna ku ammaanay waxqabadka ay muujiyeen isagoo bulshada reer Puntland usoo jeediyay inay yeeshaan labo gacmood oo midna lagula dagaallamo Shabaab midna lagu dhiso xarumaha muhiimka ah.
Cabdiwali Maxamed ayaa sidoo kale sheegay inaysan gacmaha ka laaban doonin dagaalka lagula jiro kooxda Al Shabaab ee ka damabaysay qaraxyadii Galkacyo, wuxuuna tilmaamay inaysan joojin doonin dagaalka lagu jiro mallayshiyaadkaas oo ku tilmamay kuwo arxan laawayaal ah.
Arrintan ayaa timid xilli ay socotay olole ku aadan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatadii dhacday kaasoo ay hormuud ka yihiin xubno dowladdu magacowday iyo kuwo iskood isu abaabulay.
Baaqa Gaas ayaa imaanaya xilli bur-bur baahsan uu soo gaaray Cusbitalka Galkacyo kaasoo ay saameyeen qaraxyadii dhacay 21 Augusto, waxaana ku bur-buray dhammaan qalabkii loo isticmaali jiray bukaanka.
GAROWEONLINE