​Madaxweynaha Puntland oo Burtinle shacab kula hadlay

Image

GAROWE- Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa saaka u amba baxay magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug, halkaas oo uu tagayo arrimo shaqo.

Madaxweynaha, ayaa waxaa safarka ku wehelinaya xubno katirsan labada gole ee dowladda, waxaan goordhaweyd lagu soo dhaweeyay magaalada Burtinle oo katirsan gobolka Nugal isagoo halkaas kula hadlay shacabka degmada.

Cabdiwali Maxamed Cali, ayaa ka mahadceliayay soo dhaweynta loo sameeyay isagoo dadweynaha Burtinle ku baraarujiyay inay kor u qaadaan hormarinta amniga iyo ka shaqaynta nabadgalyada, isagoo sheegay inay samaynayaan qorshe lagu ilaalinayo deegaanka.

Madaxweyne Gaas, ayaa xusay inay dhisayaan ciidamo ilaaliya bay'ada islamarkaana fariisin ka samaysan doonaan magaalada Burtinle iyo tuulada Jalam oo katirsan gobolka Nugal.

Wuxuu usoo jeediyay maamulka iyo shacabka degmadaasi inay u istaagaan sidii looga faa'iidaysan lahaa mashruuca hormarinta degmooyinka Puntland ee JPLG.

Madaxweynaha ayaa khudbad kadib sii watay socdaalkiisa iyadoo lagu wado in galinka dambe ee maanta uu gaaro magaalada Galkacyo, halkaas oo muddooyinkii dambe xaaladeeda amni aysan wanaagsanayn, waxaan safarkan uu salka ku hayaa sidii isbadal madaxweyne Gaas ugu samayn lahaa maamulka magaalada isagoo kala diray golahii deegaanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM