Madaxweynaha Puntland oo cambaareeyay weerarka Kenya

Image

GAROWE, Puntland - Madaxwaynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa si kulul wuxuu uga hadlay weerarkii lagu qaaday Hoteel-ka Dusit 2 ee ku taala magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya, shalay oo Talaado ahayd.

Ugu horeyn, wuxuu Madaxwaynuhu kaga tacsiyeeyay ehelka, asxaabta iyo dowlada Kenya shacabka aan waxba galabsan ee lagu xasuuqay weerarka, kaasi oo ku bilowday qaraxyo ay xigtay rasaas toos ah.

Deni oo muujiyay sida uu uga xun yahay dhacdaan oo galaafatay inta la xaqiijiyay 14 ruux oo shacab ubadan oo ay labo Soomaali ah ay ku jiraan ayaa ku tilmaamay mid ka baxsan "Islaamnimada iyo Bani’aadanimada".

"Ducadeena iyo dareenkeena waxay tahay dhanka qoysaska kuwa la dilay iyo kuwa ku dhaawacmay musiibadaan," ayuu yiri Deni, kaasi oo hoosta ka xariiqay in Puntland door muhiim ka qaadaneyso ciribtirka Al-Shabaab.

Kenya oo qaadatay waayo aragnimo badan oo ku filan marka ay timaado weerarada Al-Shabaab ayaa la daalaadhaceysa sidii ay uxakameyn lahaa tan iyo markii ay ciidamadeena soo galeen gudaha Soomaaliya 2011-kii.

Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa ku andacooneysa in weerarada ay ka fulinayso gudaha Kenya ay jawaab uyihiin howlgalada ay ka wado Soomaaliya, kuwaasi oo qaarkood ay shacab wax ku noqdaan.

Weerarkii Dusit 2 ayaa imaanaya iyada oo laga joogo 3-sano markii degaanka Ceel Cadde ee Koonfurta Somalia ay Shabaab kaga dishay Kenya 100 askari, kaasi oo ahaa midkii ugu khasaaraha badnaa taariikhda.

WAR-SAXAAFADEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM