Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan Galkacayo, cabasho ka imaaneysa gadiid la xanibey
GALKACAYO, Somalia- Madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa inuu maanta ka dago magaalada Galkacayo kadib markii uu safar qaatey muddo 17 cisho ah kaga soo noqonayo wadamada Ethiopia, Turkiga iyo Jabuuti.
Imaanshaha Madaxweynaha Puntland ayaa imaaneysa 13 cisho kadib markii qarax sababey dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti ka dhacey magaalada Galkacayo kaasoo Mud. Gaas uusan ka hadlin inta uu dibadda kaga maqanaa dalka.
Cabdiweli Cali Gaas ayaa la filayaa inuu muddo maalmo ku sugnaado Galkacayo isagoo magaalada Muqdishu kaga qayb gali doono kulanka madasha madaxda Somalida kaasoo noqnaya midkii ugu dambeeyey ee lagaga hadlo nidaamka loo marayo doorashada Somalia.
Madaxweynaha Puntland ayaa inta uu ku sugan yahay xarunta gobolka Mudug kulamo la qaadan doona Madaxweyne ku xigeenka iyo xubno ka tirsan golihisa Wasiirada oo joogey maalmihii ugu dambeyeey magaalada Galkacyo.
Dhinaca kale Imaanshaha Madaxweynaha Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa imaaneysa xilli dowlada Puntland amar ku soo saartey in gadiidka ka imaanaya Koonfiurta Somaliya badeecada iyo xoolaha ay sidaan dhaafi karin magaalada Galkacyo. Gadiidkaan ayaa lagu amrey xamuulkooda ku wareejiyaan gawaarida laga leeyahay degaanada Puntland kuwasoo geyn doona magaalooyinka kale ee mandiqadaan.
Wararka ka imaanaya ganacsatada iyo milkiilayasha gadiidkaan ayaa sheegaya in xanibaadaan ay soo rogtey dowlada Puntland saameyn balaaran ku yeelatey badeecada qudaarta iyo xoolaha nool ee laga keeno gobolada Dhexe ee Somaliya.
Gadiidka badeecadaha ka keena Koonfurta Somaliya ee lagu xanibey Galkacayo ayaa qaarkiis waxaa Iska leh ganacsato u dhalatey Puntland.
Kharashka kala wareejinta badeecadaha saaran gaadiidkaan ayaa xukuumada Puntland saartey ganacsatada kaasoo kor u qaadey maciishada iyo qiimaha xoolaha nool kuwasoo loo dhoofiyo wadamada Carabta. Xanibaada gadiidkaan ayaa ku soo beegantey sidoo kale xiliga Xajka loo dhoofiyo Xoolaha taasoo qarka u saaran in ganacsatada ka shaqeysata dib u dhac ku keento.
Magaalooyinka Puntland gaar ahaan Bosaso ayaa waxaa saameyn ku yeeshay dib u dhaca badeecadaha qudaarta iyadoo cabasho ka imaaneyso dad ka shaqeysta ganacsigaan oo sheegayaa in kharash badan ku soo gaareyso markii la dejiyo islamarkaana gadiid kale la saaro.
Qiimaha maciishada ayaa bilihii ugu dambeeyey Puntland aad sareysay iyadoo dadku cabasho Ka muujinayeen lacago Shilin Somali ah ee xukuumada madaxweyne Cabdiweli ku daabacdo magalaada Bossaso.
Xukuumada Puntland ayaa aaminsan in talaabadaan wax ka qabaneyso amaanka guud degaanada hoos yimaada kaasoo bilihii ugu dambeeyey la kulmey dilal iyo qaraxyo lala beegsanayo xubnaha ka tirsan dowlada iyo shacabka. Dadka shacabka Puntland ayaa qayb ka tirsan aaminsan tahay in talabadaan wax ka tareyso amniga halka in badan qabaan in arinkaan keenayo cunaqabateyn dhaqaale iyo sicirka badeecadaha oo kordha.
Xeel dheerayaasha amniga ayaa aaminsan in amniga guud ee gobolka lagu sugi karo iyadoo kor loo qaado arimaha sirdoonka, xaalada nololeed ee ciidanka, tababaro loo sameeyo hay'adaha kala duwan amniga iyo wadashaqeyn lala yeesho degaanada dariska la ah Puntland taasoo sababeysa in la ogaado dadka qorsheynaya qaraxyada.Halkan ka dhageyso
Xogaha laga helayo hay'adaha aminga Puntland kuwooda sirdoonka ayaa sheegaya in qaraxii dhowaan ka dhacey magaalada Galkacyo gadiidka loo isticmaaley laga soo iibiyey magaalada Bossaso halka qaraxa lagaga rakibey degaano ku dhow magaalada Burco.
Xafiiska Madaxtooyada Puntland wakiilkeeda warfafainta u qaabilsan ayaa dhowaan bogiisa Facebook ku shaaciyey magacyo dadkii ka dambeeyey qaraxyada ka dhacey magaalada Galkacayo haladalkaan oo aan weli laga maqlin hay'adaha amniga u qaabislan Puntland.
GAROWEONLINE