Madaxweynaha Puntland oo la kulmay wakiilka Midowga Yurub

Image

June 8, 2015 (GO)- Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta aqalka madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay wafdi uu hogaaminayey Safiirka Midowga Yurub  Soomaaliya u fadhiya Danjire Michele Cervone d’Urso.

Markuu uu soo dhamaaday Kulan gaar ah oo ay wada qaateen Madaxweyne Gaas iyo Danjire Cervone ayey si wadajir ah ula hadleen warbaahinta, waxana ay sharaxaad dheer ka bixiyeen qodobadii ugu muhiim sanaa oo ay kawada hadleen.

”Waxyaabo badan ayaanu kawada hadalnay oo ay kamid tahay Xiriirka Puntland iyo EU, Mashaariicda Horumarineed ee ay midowga yurub Kawadaan Puntland iyo Shaqooyin badan oo EU la qabanyso Dawladda Puntland”Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.

Qodobadii laysla soo qaaday waxaa ugu muhiimsanaa in Midowga Yurub kordhiyo taageerada uu Puntland ka siiyo dhinacyada waxbarashada , kaabayaasha dhaqaalaha , maalgelinta wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Garoowe, taageerada shirka wada tashiga Puntland ee dhawaan lagu wado in uu qabsoomo .

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM