Madaxweynaha Puntland oo lagu casumey Hotel Sarena Nairobi

Image

July 22,2015 (GO)- Wararka laga helayo booqashada madaxweynaha Puntland ku joogo magaalada Nairobi  ayaa sheegaya in maanta casumaad qado ah loogu sameyndoono hotel Sarena.

Casumaadaan qado ayaa waxaa sameynaya sida wraarka aan ku heleyno dadka reer Puntland ee isugu jira ganacsato, aqoonyahano iyo qaybo kale oo ka tirsan bulshada ku nool magaalada Nairobi.

Madaxweynaha Puntland oo dagan hotel Panari ayaan weli wax kulamo ah la qaadan madaxda dalka Kenya gaar ahaan madaxweynaha dalkaas.

Wadanka Kenya ayaa ku jira qaban qaabada soo dhoweynta madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ku imaanayo magaalada Nairobi.

GAROWEONLINE ayaa idiin soo gudbin doona kaulnkaas iyo waxyaalaha looga hadlo.

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM