Madaxweynaha Puntland oo markale u dhoofaya wadanka dibadiisa

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweyne Gaas oo maanta hortagey aqalka Barlamanka Puntland ayaa la filayaa inuu markale maanta dalka dib uga ambabaxo  isagoo la sheegey inuu ku wajahan yahay dalka Imaraadka Carabta.

Safarka Madaxweynaha Puntland oo aan horey loo shaacin ayaa wararka sheegayaan inuu ku biirayo Madaxweynayaasha maamulada Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug kuwasoo kulan ka dalbanaya ku sugan dalka Imaraadka Carabta.

Ambabixda Madaxweyne Gaas ayaa timid  kadib  markii maanta Barlamanka Puntland su'aalo adag waydiiyey kuwasoo kamid ahaayeen safarada joogtada ah ee uu ugu ambabaxayo dalka dibadiisa kuwasoo kharash badan galiya misaaniyada maamulkaan.

Wararka soo socda ayaa idinku soo gudbin doonaa safarkaan.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM