Madaxweynaha Puntland oo su'aalo la waydiiyey [ Dhageyso]

Image
Image
Image

Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’ ayaa magaalada Gaalkacyo kaga qayb galay dood cilmiyeed ay ka qayb galeen aqoonyahan iyo dadweyne kale.

Gaas ayaa su’aalo kala duwan ay waydiiyeen ka qayb galayaashu intii ay socotay dood cilmiyeedka, waxaana madaxweynuhu ka hadlay arrimo badan ugu muhiimsanayeen:-

1. Amniga.
2. Ladagaalanka muqusmaasuqa.
3. Hormarinta arrimaha bulshada,dhaqalaha,cadaaladda iyo arrimo kale.

Madaxweynaha ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey waxqabadka xukuumadiisa iyo fulinta balanqaadyadii uu sameeyey.

Dadweynihii ka qeyb-galay kullanka ayaa dhankooda Madaxweynaha waxaa ay weydiiyeen su’aalo la xiriira waxa uga qabsoomay balanqaadkiisa iyo talo soo jeedin , dhammaan su’aalihii la weydiiyeyna madaxweynuhu waa uu ka jawaabay.

Dood cilmiyeedkaan ayaa waxaa soo diyaariyey machadka cilmi baarista iyo siyaasada ee Hayaan.

Mudane Gaas ayaa markii uu soo dhammaatey dood cilmiyeedkii looga hadlayey arrimaha la xisaabtanka iyo hufnaanta ee uu ka qeyb-galay booqday hoyga uu magaalada Gaalkacyo ka dagen yahay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM