Madaxweynaha Puntland oo u ambabaxey dalka Ethiopia

Image

Garowe [ GAROWE ONLINE]- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas iyo wafti uu hogaaminayo ayaa saaka u ambabaxey dalka Ethiopia magaalo madaxdiisa Addis Ababa. 

Safarka Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa ku weheliyey wasiirkiisa caafimaadka Saadiq Eenow iyo xubno ka tirsan xafiiskiisa.

Lama shaacin sababta keentey safarka Ethiopia oo la sheegey inuu qadanyo muddo labo cisho ah balse warar Garowe online heleyso ayaa sheegaya inuu casumaad ka heley dowladda Ethiopia.

Wararkaan ayaa intaas ku daraya in dowladda Ethiopia kala hadli doonto Madaxweyne Gaas xiriirka Puntland sheegtey iney u goysay dowlada Federaalka  ee Somalia iyo qodobka la xiriira maamul u sameynta gobolada dhexe kaasoo madaxweyne Gaas iyo xukuumadiisu dhowaan ganafka ku dhufteen.

Dhinaca kale Madaxweyne Gaas ayaa safarkiisa waxaa ku weheliya Wasiirka caafimaadka Saadiq Eenow oo xiriirka uu la lahaa dowlada Ethiopia uusan wanaagsaneyn kadib markii uu buugaag badan uu wax kaga sheegayo horey uga qorey wadankaas.

Madaxweynaha Puntland ayaa la rumeysan yahay sababta Saadiq Eenow u kexeeyey waqtigaan ay tahay sidii loo hagaajin lahaa xiriirka uu la leeyahay dowladda Puntland. 

Safarka Madaxweynaha Puntland ku tagey dalka Ethiopia ayaa sidoo kale wararku xusayaan inuu halkaas kula kulmi doono shirkada shidaalka baarta ee African Oil iyo kuwa kale sida shirkad laga leeyahay dalka China oo dhisi doonta garoonka diyaardaha magaalada Bosaso.

African Oil ayaa joojisay shaqooyinkii ay ka wadey puntland kadib markii dowladda Federaalka u dirtey qoraalo ay ku hakineyso howlaheeda.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM