Madaxweynaha Puntland oo u duuley Talyaaniga

Image
Image

May 2, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka dhoofey garoonka diyaaradaha ee Garowe iyagoo ku wajahan xarunta dalka Talyaaniga ee Roma.

Gaas oo si kooban warbaahinta ula hadlay waxyar kahor intii uusan duulin, wuxuu sheegay in dowladda Talyaaniga uu kala soo hadli doono sidii ay mashaariic horumarineed uga fulin lahaayeen Puntland islamarkaana uu warbixin kasiin doono halka ay marayaan mashaariicda xilligan Talyaanigu ka wado Puntland.

"waxaan rajeyn in mashaariicdaasi waxbadan ka bedali doonaan wejiga Puntland una soo kordhin doonaan horumar... guul iyo kheyr ayaan ka rajeyn in uu noogu soo dhammaado safarkaasi" ayuu yiri.

Safarka madaxweynaha Puntland ayaa ku soo beegmaya maalmo kadib markii uu kasoo noqdey wadanka Ethiopia halkaasoo booqasho qaadatey muddo Toban cisho ah uu ugu maqnaa.

Talyaaniga ayaa mashaariic ka hirgaliyey Puntland kuwasoo isugu jira tageerada booliska, dhismaha garoonka diyaardaha Bosaso, TV-ga Puntland iyo mashaariic kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM