Madaxweyne Dani oo la filayo inuu xilal kala duwan magacaabo

Image

BOOSAASO, Puntland - Madaxweynaha Puntland oo booqasho ku joogey maalmihii la soo dhaafey xarunta gobolka Mudug ee Galkacayo ayaa saacadaha soo socda waxaa uu magacaabayaa mas’uuliyiin kala duwan.

Sidda uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online, xilalka mas'uuliyiin cusub loo magacaabo ayaa kala ah; Gudoomiye gobol, ku xigeenkiisa, Taliye qaybeed iyo saraakiil kale.

Xogta ayaa intaasi ku dareysa in gebi ahaanba la kala diri doono garsoorayasha maxkamdaha kala duwan, talaabo qayb ka ah dib u habeyn dhanka cadaaladda ah.

Magacaabistaan ayaa timid markii Madaxweyne Dani kulamo la qaatey qaybaha kala duwan ee bulshada kuwaas cabasho ka muujiyey in hay’adihii gobolka oo fadhiid noqdeen.

Gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay kamid tahay goobaha ay ka dhacaan dilalka qorsheysan iyo qaraxyo kuwaas oo lala beegsado dadka waxgaradka ah iyo saraakiisha amniga.

Kadib markii la doortay 8-dii Janaayo 2019, hogaamiyaha Puntland ayaa balanqaaday in uu xal u heli doono dhamaan arrimahaasi, kuwaasi oo qaarkood uu u muuqda mid durba ka howlgalay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM