Madaxweyne Deni oo kala diray Golahii Degaanka Buurtinle

Image

GAROWE, Puntland - Sidda ku cad wareegto kasoo baxday Madaxtooyadda, madaxweyne Deni ayaa maanta oo Arbaco ah wuxuu kala diray Golaha Degaanka degmadda Buurtinle ee gobolka Nugaal.

Digreetadda oo ku taariikheysan 19-ka June 2019 ayaa lagu shaaciyey in madaxweynaha dowladda Puntland uu talaabadan uu qaadey kadib talo soo jeedin uga timid Wasaarada Arrimaha Gudaha.

Kala dirida Golaha Degaanka Buurtinle ayaa imaaneysa maalin kadib markii xubnaha Golahaasi ay shaaciyeen in ay shaqadii ka tageen, wallow aysan shaacin sababta dhabta ah.

Talaabada xigta ee la filayo ayaa ah in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ay soo dhisto Gole degaan cusub kaasi oo bulshada qeybaheeda kala duwan ay iska dhex aragto.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADDA

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr-28 ee Juun, 19, 2019, ku kala dirid Golaha Deegaanka ee Degmada Buurtinle.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu tixgeliyey: Is casilaaddii Golaha Deegaanka Degmada Burtinle.

Markuu Qiimeeyey: Tala soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa la kala diray Golaha Deegaanka Degmada Buurtinle.

2. Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM