Madaxweyne Deni oo la kulmay ururka MAP iyo guddiga maamulayaasha Warbaahinta

Image
GAROWE, Puntland - Gudoomiyaha ururka warbaahinta Puntland ee MAP Maxamed Daahir Caynsane iyo Guddiga Maamulayaasha warbaahinta Madaxa banaan ayaa caawa la kulmay Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdulaahi Deni.
 
MAP ayaa u gudbisay Madaxweynaha qodobo dhowr ah oo ka soo baxay warbaahinta Puntland:-
 
1- Muhiimadda ay leedahay dhaqan gelinta xaqa helida xogta (Access to information). 
 
2- Xoojinta xiriirka warbaahinta iyo dowladda.
 
3- Badqabka suxufiyiinta Puntland iyo baahida loo qabo in mas’uuliyadd ay dowladdu iska saarto dabagalka iyo baaritaanka kiisaska wariyaasha la xiriira.
 
Kulankaan ayaa ku soo dhamaadey Jawi is- afgarsho iyadoo Madaxweyne Dani xoojiyey muhuumada saxaafada Xorta ah u leedahay hurumarka Puntland.
 
GAROWE ONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM