Madaxweyne Farole oo qado loogu sameeyey magaalada Hargeyso

Image

July 28,2015 (GO)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil "Saylici" ayaa maanta qado sharaf ku maamuusay madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Cabdiraxmaan Shiekh Maxamed "Faroole" oo mudooyinkii u danbeeyay hawlo dhaqan u joogay caasimada Hargaysa.

Faroole oo ka mahadcelinaya intii tacsida ugu timi maamlihii koobnaa ee ku sugnaa magaalo madaxda Somaliland ee Hargaysa ayaa yiri "Mudane Madaxwayne ku-xigeen imaantinkayga meeshan waad ka war haysaa, xiriir aan la soo sameeyay oo aan si gaar ah u khusaysa geeridii xumayd ee xaaskayga ku timi, tacsidaas cidii iigu timi ma tirin karo, aad iyo aad ayaan uga mahad celinayaa dhamaantood."

Sidoo kalle waxaa madashaas hadhimo/qado sharafeedka ah ka hadlay madaxwayne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil "Saylici" ayaa sheegay in munaasabadan ay u qabteen Dr Faroole ay tahay mid lagu soo dhawaynayo islamarkaana uu ka tacsiyeeyeey geerida ku timi xaaskiisii oo dhawaan lagu dilay magaalada Garoowe.

Cabdiraxmaan Shiekh Maxamud Faroole, Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa muddo ku siman 10 cisho socdaal ku joogay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, isagoo socdaalkiisaasi la xiriiray dhinaca qoyskiisa.

Halkan ka daawo qado sharafa loo sameeyey madaxweyne Farole

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM