Gaas iyo wafti uu hogaaminayo oo u ambabaxey Galkacayo

Image

11 August, 2015 (GO)- Wafti uu hogaaminayo madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa saaka ka ambaxey magaalada madaxda Garowe isagoo ku sii jeeda magaalada Galgalacayo.

Madaxweynaha Puntland ayaa la filaya in magaalada Galkacayo ku sugnaado maalmaha soo socda halkaasoo kulamo kula qaadan doono qaybaha kala duwan ee bulshada iyo howldaneeda dowlada.

Waftiga madaxweynaha Puntland oo ay kamid yihiin wasiirada iyo xildhibaanada dowlada Puntland kaga jira gobolka Mudug ayaa caawa joogi doona magaalada Xarfo halkaasoo la sheegey in bulshada dagan la kulmi doono.

Mud. Cabdiweli Cali Gaas ayaa safarkiisu noqonayaa tan iyo intii la doortey kii labaad ee uu ku tago magaalo madaxda gobolka Mudug ee Galgalacayo halkaasoo uu kaga qayb gali doono shir la sheegey in loo qabanayo qayabaha kala duwan ee bulshada rayidka ah Puntland.

Gaas oo u waramey gole lagu magaacabo 88 maalmihii lasoo dhaafey ayaa sheegey in kulan ka kooban Afar qaybood lagu kala qaban doono magaalooyinka Galgakacayo, Qardho iyo Garowe kaasoo sida madaxweynuhu xusey laga arinsan doono mustaqabalka Puntland.

Dhinaca kale safarka madaxweynaha Puntland ayaa diirada ku haya sidii loo hagaajin lahaa xiriirka uu la leeyahay bulshada Mudug  oo cabashooyin ka muujineysay mudooyinkaan dambe siyaasadiisa ku aadan gobolka.

Asbuucyadii lasoo dhaafey ayey aheyd markii madaxweynaha Puntland kulan kula qaatey magaalada Buurtinle Islaan Bashiir Islaan Cabdulle kulankaas oo la sheegey in laga hadley safarka Gaas ee ku aadan magaalada Galkacayo. Halkan ka akhri

Booqashada madaxweyne Gaas ee gobolka Mudug ayaa kusoo beegmeysa dhinaca kale muranka maamulka Galmudug uu sheeganayo qaybo kamid ah degaamada Puntland kaasoo sababtey in xiriirka dowlada Federaalka noqdo mid xumaada.

Magaalada Galkacayo ayaa April 7,2014 lagu diley shaqaale ka tirsan hay'ada Qaramada Midoobey ee UNODC markaasoo madaxweynaha Puntland booqashadii ugu horeysay ku joogey magaalada Galgalkacyo.

Dowlada Puntland ayaa weli maxkamad soo saarin gacan ku dhiiglihii gaystey dilkaan isagoo weli ku xiran xabsi ku yaala magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Garowe Online kala soco booqashada madaxweyne Gaas ee Galkacayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM

Soomaaliya: Muxuu Axmed Madoobe Ka Yiri Howlgalada Puntland ee ka Dhanka ah Daacish?

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u xusay guulaha muuqda ee Puntland ay ka gaartay howlgalka Hilaac.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 08:51AM