Madaxweyne Gaas oo degmada Qardho soo gaarey

Image
Image
Image
Image

May 21, 2015 (GO)- Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa goor dhow soo gaarey degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar. 

Boqollaal dadweyne ah oo ruxayey calanka Somalia, midka Puntland iyo boorar ereyo soo dhoweyn ahi ku qoran yihiin ayaa wafdiga kaga hortegey meel dhowr kiilo mitir degmada Qardho koonfurta kaga beegan.

Gaas ayaa markii uu Qardho gaarey wuxuu xarigga ka jaray waddo laami la saaray taasoo dhismaheeda ay iska kaashadeen, dowladda, bulshada Qardho iyo barnaamijka horumarinta degmooyinka ee JPLG.

Wafdiga Madaxweynaha oo ay ku jiraan xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo saraakiil ciidamada ah, waxaa la filayaa inay caawa seexdaan Qardho iyagoo maalinta berri ah uga sii gudbi doona dhanka magaalada Bosaso.

Muddada uu Qardho ku sugan yahay, Cabdiweli Gaas wuxuu la kulmi doonaa maamulka gobolka Karkaar, kan demada Qardho, isimmada, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM