Ku-xigeenka Puntland oo booqdey xerada 54 aad ee Garowe

Image

Sept 15, 2015 (GO)- Madaxweyne ku-xigeenka dowlada Puntland ayaa maanta booqdey xerada 54 aad ee ku taal duleedka magaalada Garowe halksoo ciidamada Darawiishta ee ku xerysan gadood mushahr la'aan ah ka sameeyeen maalmihii lasoo dhaafey.

Booqashada xerada ayaa madaxweyne ku-xigeenka Camey ku weheliyey taliyaha ciidamada Puntland Siciid Dheere iyo saraakiil kale.

Mudane Camey oo la hadley ciidamada guud ahaan iyo gaar ahaan saraakiisha ciidamadaas mushahar la'aanta ka cabaneyey ayaa wararku sheegayaan inuu kala hadley sidii ay u heli lahaayeen xuquudooda ka maqan mudadad gaareysa 28 bilood.

Ku-xigeenka Puntland ayaa qirey in xukuumadiisu dayacdey ciidamadaan ku xereysan xeradaan kuwasoo uu xusey inuusan rumeysneyn in xoog intaas tiradooda leegyahay joogaan 54aad.

Ciidamadaan ayaa gadood sameeyey maalmihii la soo dhaafey kadib markii ay sheegeen in xuquudooda ka maqan tahay 28 bilood.

Xerada 54aad ayaa waxaa ku xereysan ciidamo kala duwan kuwasoo inta badan ka cowda mushahr la'aan daahda.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM