Madaxwynaha Puntland oo ku wajahan Galkacayo, shir Muqdishu uga furmaya madaxda Somalida

Image

GALKACAYO, Puntland- Madaxwynaha Puntland Candiweli Maxamad Cali Gaas oo safar ugu maqnaa wadamada Ethiopia iyo Turkiga muddo 14 Cisho ah ayaa Wararka warsidaha Garowe Online soo gaaraya sheegayan inuu ku wajahan yahay magalaada Galkacayo ee xarunta gobolka Mudug maalmaha Khamiista ama Jimcaha halkasoo uu uga sii gudbi doono magalaada Muqdishu.

Mud.Gaas oo inta uu safarka uga maqnaa dalka dibadiisa magalaada Galkacayo 21 August, 2016  uu ka dhacey qarax sababey dhimasho badan iyo burbur hantiyeed ayaa gabi ahaanba aan ka hadlin is-miidaaminta ururka al shabaab la beegsaday suuq qudaarta ee magaladaas iyo xafiisyada xarunta dowlada hoose.

Warsidaha Garowe online ayaa fahansan in Madaxweynaha Puntland safarakiisa yahay ku hakasho isagoo Sept 4, 2016 magalaada Muqdishu kaga qayb gali doona Shirka madaxda Somalida.

Dhinaca kale magalaada Muqdishu ayaa waxaa ka furmaya Shirka madaxda Somalida taasoo wararku sheegayaan in laga soo hormariyey xiligii loo balamey oo aheyd Sept 7, 2016.

Waxaa sidoo kale baaqdey shir madaxda urur goboleedka IGAD ku qabsan laheyd magalaada Muqdishu sababo aan ka sheegin.

Horumarimta Shirka loo qabanayo doorashada Somaliya ayaa xubno ku dhow  Garowe online u sheegeen iney suurtagal tahay in madaxda Somalida aado gudashada Xajka.

Warar ayaa sheegaya in Madaxeynaha Somaliya oo ku jira ololihiisa doorasho ku casumey in madaxda maamulada Somalia u kexeeyo gudashada Xajka sanadkaan.

Dowlada Sucuudiga ayaa sanad walba siisa dowladaha Islaamka qoondo dad ah oo uga qayb gasha gudashada Xajka.

Madaxwyne Gaas oo horey u soo baxeen warar  sheegaya in uu ku wajahan yahay gudashada Xajka ee sanadkaan ayaa la filayaa inuu kamid noqdo waftiga Madaxwyne Xasan Shiikh u kexeyn doono Xajka sanadkaan.

Xukuumada Puntland ayaa sanadkaan waxaa Xajka ka aadaya xubno uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyada mamaulkaas iyo saraakiil ka tursan xafiiskiisa.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Soomaaliya: Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha howlgalka Gobolka Bari

Axmed ayaa sheegay in hawlgalka milateriga ee ugu dambeeyey, oo diiradda saaraya buuraha Cal Miskat ee gobolka Bari, uu socday ilaa Isniintii.

  • Puntland

    22-01-2025

  • 02:22PM

Ciidamada Difaaca Puntland oo Guulo Ka Gaaray Dagaalka Dhulka ee Ka Dhanka ah ISIS

Dhinaca kale, khubaro dhinaca amniga ah ayaa ku tilmaamay guushan mid wiiqaysa awoodda kooxda ISIS ee gobolka Bari.

  • Puntland

    20-01-2025

  • 11:35AM