Shaqsi loo qabtay dilkii Gaalkacyo loogu geystay Nimco [Magaca]

Image

GAALKACYO, Puntland – Hay'addaha Amaanka Puntland ayaa qabtay nin ay rumeysan yihiin in uu yahay shaqsigii ka dambeeyay dillkii Gaalkacyo loogu geystay gabar 22-jir lagu qiyaasay, habeenkii Talaada.

Marxuumad Nimco Cumar Shire [Xuuray] oo dilkeeda loo adeegsaday Toorey dhuunta looga dhuftay ayaa la beegsaday iyada oo kasoo laabatay Salaada Taraawiixda kuna sii jeeday hoygooda oo ku yaala xaafada Garsoor.

Ruuxa ku jira gacanta laamaha amniga oo lagu magacaabo Cabdi Kheyr Aadan oo dhalinyaro ah ayaa la sheegay in lagu aqoon-saday markii la dabagal telafoonkiisa oo uu kaga tegay goobta uu falku ka dhacay.

Nimco, oo dhowaan dhameysay dugsiga sare, ayaa Isbitaalka guud ee xarunta gobolka Mudug ugu geeriyootay dhaawac culus oo kasoo gaarey Tooreyda lagu dhuftay, sidda ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka.

Ciidamada Booliska ayaa laga soo xigtay dhacdadaan ay la xiriirto isku day la doonayey in dhibanaha laga furto telafoonkeeda, taasoo markii ay ka goos-adeegtay keentay in dableyda ay Mindi ku weeraraan.

Ninka la tuhunsan yahay oo su'aallo lagu waydiinayo saldhiga Booliska ayaa la sheegay in xoogaga dowladda Puntland ay horey ugu raad-joogeen, isla markaana uu caan ku ahaa dhaca Mobeelada.

Sikastaba ha ahaatee, maxkamadaha goboladda dowladda Puntland ayaa horey xukuno xabsiyo kala duwan ah waxay ugu rideen rag burcadnimo iyo dhaca Moobeelada lagu soo eedeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM