MAP oo cambaareysay xukunka wariye Kilwe Aadan Faarax

Image

GAROWE, Puntland – Ururka Warbaahinta dowladda Puntland ee loo garan-og-yahay MAP ayaa si adag u cambaareeyay xukunka Maxkamadda Ciidamadda ay Arbacada maanta ah ku xukuntay wariye Kilwe Aadan Faarax.

War-saxaafadeed kasoo baxay MAP oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa lagu caddeeyay in xukunka maxkamada Derajada 1aad ciidamada uu yahay mid ay ka muuqato is-burin.

Sidda ku xusan warka qoraalka ah oo ku taariikheysan 3-da Maaj, 2020, xariga wariye Kilwa waa gabi ahaanba baalmarsan sharciga.

"Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) waxa uu cambaareynayaa xukunka (Saddex bilood oo xarig ah) ay maxkamada Derajada 1aad ciidamada qalabka sida ee gobolada Nugaal, Sool karkaar iyo dembiyada culus ay ku ridey maanta 03 Maarso, 2021 Saxafi Kilwe Aden Farah," ayaa lagu yiri.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Cadeymo la’aanta kiiska Kilwe iyo xukunka ku dhacay ayaa iska hor-imanaya (Contradiction), waxana gebi ahaanba meesha ka maqan Qodobka 87aad ee dastuurka Puntland oo ay shaqada maxkamadu ku egtahay".

"MAP waxay ku tilmaameysaa xariga iyo xukunka Kilwe mid sharci darro ah oo ay riday maxkamad aan ikhtisaas u lahayn, waxaana marnaba aan la qaadan karin in saxafiga loo ekaysiiyo cid kale," ayuu ururka tibaaxay.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray: "Dowladda Puntland waxaan ka sugeynaa inay jawaab waafi ah ka bixiso xukunka sharci darrada ah, sidoo kalena maxkamada ciidamada waxaan ku wargelineynaa inay iska ilaaliyaan dacwadaha ay galayaan iyo go’aanada ka dhalanaya".

"MAP waxay ka digeysaa soo noqoshada arrimahan oo kale kuwaas oo dhibaato ku ah dimoqraadiyada la filayo inay ka hanaqaado Puntland, xorriyada hadalka iyo guud ahaan shaqada suxufinimo," ayaa lagu soo gabagabeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo daahfurtay “todobaadka dhiiragelinta cunista kalluunka”

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Ilyas Osman Lugatoor ayaa bilaabay ololahan.

  • Puntland

    03-07-2024

  • 02:11PM

Karaash oo digniin culus hawada u mariyay maamulka Somaliland

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland ayaa socdaal ku maraya deegaamo katirsan gobolada Sool iyo Sanaag.

  • Puntland

    03-07-2024

  • 09:23AM