Mareykanka oo duqeyn culus Al-Shabaab kula beegsaday gobolka Bari

Image

GAROWE, Puntland - Diyaaro dagaal oo la tilmaamay in ay yihiin kuwa Mareykanka ayaa la sheegayaa in ay duqeyn ka geysteen qayb kamid ah buuraleyda Golis, gobolka Bari ee Puntland.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Soomaaliya oo shaacisay in weerarka cirka la fuliyey Sabtidii ayaa waxay xustay in lagu khaarijiyey hal dagaalame oo Al-Shabaab ka tirsanaa.

Warbixinta ma aysan soo bandhigin magaca ruuxaasi la beegsaday.

Unug ka tirsan xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa ku dhuumaaleysta qayb kamid ah buuraleysa Golis oo dhaca koonfurta magaaladda dekadda leh ee Boosaaso.

Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika oo inta badan dhacdooyinka Soomaaliya fahfaahin ka bixiya illaa iyo haatan ma uusan ka hadlin duqeyntan la sheegay in ay qaadeen.

AFRICOM ayaa dusha kala socota howlgalada ciidamada Mareykanka ee mandiqada. Wasaaradda Amniga Puntland dhankeeda wali kama aysan fal-celinta howlgalkan.

Ururada Al-Shabaab iyo Daacishta Soomaaliya ayaa ku sugan qaybo kamid ah gobolka Bari gaar ahaan degaanada buuraleyda ah, halkaasi oo gacan ku hayntooda ay ku didiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo Xabsiga Dhigay Haweeney Ku Eedeysan Dilka Gabar 14-Jirka Ah

Baaritaanka meydka ayaa muujiyay dhaawacyo badan, oo ay ku jiraan calaamado muujinaya in gabadha la ceejiyay iyo garaacis xoog leh.

  • Puntland

    15-11-2025

  • 07:40AM

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM