Mareykanka oo duqeyn ka dhacdey Bari ku dilay xubno Daacish ah

Image
Howlgalkan naayaa ka dhacay deegaan qiyaastii 81 KM dhanka Koonfur Bari kaga beegan magaalada Boosaaso.

MUQDISHO, Soomaaliya - Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in saddex dagaalyahan oo IS ah lagu dilay duqeyn cusub oo ka dhacday gobolka Puntland ee Soomaaliya 31-kii May.

Duqeyntan ayaa waxaa lala kaashaday dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana duqeynta ay ka dhacday deegaan fog oo ku dhow deegaanka Dhaardaar oo qiyaastii 81 KM dhanka Koonfur Bari kaga beegan magaalada Boosaaso, sida ay sheegtay AFRICOM.

Ma jiro wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah sida ay AFRICOM sheegtay.

Dhanka kale, Telefishinka Qaranka ayaa xaqiijiyey in Dowladda Soomaaliya ay ku lug lahayd duqeyntan wallow uu si ka badbadis ah uga hadlay arrinkaas.

"Ciidanka qaranka oo garab ka helaya saaxiibada caalamiga ah gaar ahaan Mareykanka ayaa howlgal lagu dhabar jabiyay kooxda argagaxisada ee Daacish ka fuliyay gobalka Bari," ayuu yiri

Wuxuu raaciyay: "Howlgalka oo qeyb ka ah dagaalka lagu ciribtirayo argagaxisada ayaa waxaa jab loogu geystay maleeshiyada Daacish oo halkaas isku uruursaneysay"

"Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin doonta qasaaraha dhabta ee gaaray argagaxisada," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka kasoo baxay Telefishinka Dowladda Federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM