Mareykanka oo duqeyn ka dhacdey Bari ku dilay xubno Daacish ah

Image
Howlgalkan naayaa ka dhacay deegaan qiyaastii 81 KM dhanka Koonfur Bari kaga beegan magaalada Boosaaso.

MUQDISHO, Soomaaliya - Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in saddex dagaalyahan oo IS ah lagu dilay duqeyn cusub oo ka dhacday gobolka Puntland ee Soomaaliya 31-kii May.

Duqeyntan ayaa waxaa lala kaashaday dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana duqeynta ay ka dhacday deegaan fog oo ku dhow deegaanka Dhaardaar oo qiyaastii 81 KM dhanka Koonfur Bari kaga beegan magaalada Boosaaso, sida ay sheegtay AFRICOM.

Ma jiro wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah sida ay AFRICOM sheegtay.

Dhanka kale, Telefishinka Qaranka ayaa xaqiijiyey in Dowladda Soomaaliya ay ku lug lahayd duqeyntan wallow uu si ka badbadis ah uga hadlay arrinkaas.

"Ciidanka qaranka oo garab ka helaya saaxiibada caalamiga ah gaar ahaan Mareykanka ayaa howlgal lagu dhabar jabiyay kooxda argagaxisada ee Daacish ka fuliyay gobalka Bari," ayuu yiri

Wuxuu raaciyay: "Howlgalka oo qeyb ka ah dagaalka lagu ciribtirayo argagaxisada ayaa waxaa jab loogu geystay maleeshiyada Daacish oo halkaas isku uruursaneysay"

"Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin doonta qasaaraha dhabta ee gaaray argagaxisada," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka kasoo baxay Telefishinka Dowladda Federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM