Mareykanka oo duqeyn ku dilay lix ka tirsanaa Daacishta Soomaaliya

Image

GAROWE, Puntland - Milatariga Mareykanka ayaa howlgal ka dhan ah Daacish waxa uu ka fuliyey buuraleyda Golis ee Puntland, 4-tii bishan June, oo shalay oo Talaado ahayd, sidda lagu sheegay war-saxaafadeed.

Duqeyntan ayaa noqoneysaa tii lixaad oo tan iyo bishii hore oo goobtaasi lagula beegsado kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

"Waanu sii waddeyn cadaadiska shabakadaha argagixisada ee Soomaaliya si aysan u awoodin in ay meelo kale qabsadaan," ayuu yiri William P. West, agaasimaha howlgalada ee taliska Mareykanka ee Afrika.

AFRICOM ayaa shaacisay in weerarkaasi dhanka cirka ah lagu khaarijiyey lix kamid ahaa xoogagaasi ka hanoqaadey Soomaaliya sanadii 2015-kii balse kaliya haysta ku dhowaad 200 dagaalame.

"Illaa iyo haatan ma hubno waxyeelo howlgalkeena kasoo gaarey dad shacab ah, hadii ay soo baxaan macluumaadyo la xiriira arrintaasi waanu eegi doonaa," ayaa lagu yiri bayaanka.

Buuraleyda Bolis ayaa waxaa saldhiyo qarsoodi ah ku leh kooxda gacan-saarka la leh Al-Qaacida iyo Daacishta Soomaaliya oo dhowr jeer dhexdooda diriray.

Bishii hore ayay ahayd markii lix duqeyn oo Golis lagula beegsaday labadaasi kooxood looga dilay wadar ahaan in ka badan 30 dagaalame, kuwaasi ay ku jiraan saraakiil sar-sarre oo labada dhinac ah.

Hogaamiyeyaasha lagu dilay howlgaladii u dambeeyay waxaa ku jira Cabdixakiin Dhoqob kaasoo ahaa ku xigeenka Amiirka Daacishta Soomaaliya, Cabdiqaadir Muumin oo qudhiisa mar ka badbaaday duqeyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM