Mareykanka oo fariin u diray daneeyeyaasha siyaasadda Puntland

Image
Baaqan ayaa imaanaya xilli Garowe uu ka dhacay dagaal salka ku haya is-qabqabsi siyaasadeed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Mareykanka ayaa waxa ay sheegtay in ay ka walaacsan tahay shaqaaqooyinka kasoo cusboonaadey magaalada caasimada u ah maamulka Puntland ee Garowe.

Qoraal lagu daabacay ciwaanka Twitter-ka ee safaaradda Washigton ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in ay ku baaqayaan in dhinacyada didiray ay isugu yimaadaan miiska wadahadalka.

Sidda ku xusan bayaankan, wadaxaajoodka ah ayaa ah qaabka kaliya ee xal looga gaari karo qulqulatooyinkan oo ah natiijo ka dhalatay xasarad siyaasadeed oo taganeyd bilooyinkii dambe.

"Isagoo ka walaacsan rabshadaha ka socda Garoowe, Mareykanka wuxuu ku biiray saaxiibada caalamiga ah oo ugu baaqaya dhammaan daneeyayaasha siyaasadda inay galaan wadahadal oo ah dariiqa kaliya ee lagu xallin karo khilaafaadka," ayaa lagu yiri bayaanka.

Dhanka kale, Madasha Siyaasadda Puntland oo war-saxaafadeed ka kooban laba bog ah ka soo saartey cakirnaanta siyaasadeed ayaa si xooggan waxay u cambaareysay dagaalka ka dhacay magaaladda caasimada ah ee Garowe.

Dhamaan dhinacyadda ku lugta leh ayay ugu baaqdey in ay u hogaansamaan Isimada iyo Siyaasiyiinta dhexdhexaadinta wadda; beesha Caalamka ayay ka dalbadeen in ay soo farageliso xiisada taagan.

Sidda ku xusan bayaankan uu nuqul kamid ah arkay warsidaha Garowe Online, madasha ayaa waxay soo jeedinaysaa lix qodob kuwaas oo ay aaminsan tahay in ay xal u noqon karaan cakirnaanta siyaasadeed.
 
"Ugu danbayn Madashu waxay ugu baaqaysaa Shacabka Puntland inay ilaashadaan amnigooda, wadajirkoodda iyo dowladnimadoodda," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka rasmiga ah ee kasoo baxay Madasha Siyaasada Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM