Markab labaad oo bil gudahiisa lagu qafaashay xeebaha Soomaaliya

Image
Markabkan ayaa dad aad u hubeysan ay ku qabteen meel u dhow degmada Eyl ee xeebaha ee Puntland.

GAROWE, Puntland - Markab kale ayaa lagu af-duubtay meel u dhow xeebaha Soomaaliya, sida ay Jimcihii lasoo dhaafay sheegtay hay’adda la socodka ganacsiga badda ee Britain.

Falkan ayaa kordhinaya welwelka laga qabo in burcad-badeedda Soomaalida ee soo noqdey ku dhawaad ​​toban sano kaddib markii ay qalalaase ku abuureen maraakiibta caalamiga ah.

Markabkan ayaa dad aad u hubeysan ay ku qabteen meel u dhow degmada Eyl ee xeebaha Soomaaliya, sida ay sheegtay hay’adda ganacsiga badaha Ingiriiska oo soo xigatay mas'uuliyiin.

Hay’addu ma aysan bixin wax tafaasiil ah oo ku saabsan cidda ay ahaayeen afduubayaasha balse waxa ay sheegtay in baaritaan uu socdo lana ogaan doono meesha lagu hayo.

Ciidamada Badda Midowga Yurub ayaa sheegay in Markab ganacsi oo sitay calanka Malta lagu af-duubtay Badda Carabta u dhow todobaadkii hore, wuxuuna u dhaqaaqay isla aagga xeebaha Soomaaliya.

Markabka weyn ee Ruen ayaa waxaa saarnaa 18-shaqaale ah, markii laga afduubtay meel u dhow jasiiradda Socotra ee dalka Yemen, oo qiyaastii 240 KM u jirta Soomaaliya.

Pentagon-ka ayaa bishii hore sheegay in shan weeraryahan oo hubaysan oo afduubtay markab ganacsi meel u dhow Yemen oo ay qabteen ciidamada Maraykanku ay u badan tahay inay Soomaali yihiin, waxaana weerarkaas - oo markii hore lagu eedeeyay fallaagada Xuutiyiinta - uu ahaa "burcad-badeed."

Weerarada lagu qaado maraakiibta ee ay geysanayaan burcad-badeedda Soomaalida ayaa gaaray in ka badan 350 dhacdo mudaddii u dhaxaysay 2010 ilaa 2015, laakiin way yaareen si degdeg ah.

Hoos-u-dhacaas ku yimid sida dhaqsiyaha badan ayaa waxaa lagu waramay in ay ugu wacan tahay roondo ay samaynayaan ciidamada badda ee Maraykanka iyo kuwa kale ee xulafada la ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM