Markab labaad oo bil gudahiisa lagu qafaashay xeebaha Soomaaliya

Image
Markabkan ayaa dad aad u hubeysan ay ku qabteen meel u dhow degmada Eyl ee xeebaha ee Puntland.

GAROWE, Puntland - Markab kale ayaa lagu af-duubtay meel u dhow xeebaha Soomaaliya, sida ay Jimcihii lasoo dhaafay sheegtay hay’adda la socodka ganacsiga badda ee Britain.

Falkan ayaa kordhinaya welwelka laga qabo in burcad-badeedda Soomaalida ee soo noqdey ku dhawaad ​​toban sano kaddib markii ay qalalaase ku abuureen maraakiibta caalamiga ah.

Markabkan ayaa dad aad u hubeysan ay ku qabteen meel u dhow degmada Eyl ee xeebaha Soomaaliya, sida ay sheegtay hay’adda ganacsiga badaha Ingiriiska oo soo xigatay mas'uuliyiin.

Hay’addu ma aysan bixin wax tafaasiil ah oo ku saabsan cidda ay ahaayeen afduubayaasha balse waxa ay sheegtay in baaritaan uu socdo lana ogaan doono meesha lagu hayo.

Ciidamada Badda Midowga Yurub ayaa sheegay in Markab ganacsi oo sitay calanka Malta lagu af-duubtay Badda Carabta u dhow todobaadkii hore, wuxuuna u dhaqaaqay isla aagga xeebaha Soomaaliya.

Markabka weyn ee Ruen ayaa waxaa saarnaa 18-shaqaale ah, markii laga afduubtay meel u dhow jasiiradda Socotra ee dalka Yemen, oo qiyaastii 240 KM u jirta Soomaaliya.

Pentagon-ka ayaa bishii hore sheegay in shan weeraryahan oo hubaysan oo afduubtay markab ganacsi meel u dhow Yemen oo ay qabteen ciidamada Maraykanku ay u badan tahay inay Soomaali yihiin, waxaana weerarkaas - oo markii hore lagu eedeeyay fallaagada Xuutiyiinta - uu ahaa "burcad-badeed."

Weerarada lagu qaado maraakiibta ee ay geysanayaan burcad-badeedda Soomaalida ayaa gaaray in ka badan 350 dhacdo mudaddii u dhaxaysay 2010 ilaa 2015, laakiin way yaareen si degdeg ah.

Hoos-u-dhacaas ku yimid sida dhaqsiyaha badan ayaa waxaa lagu waramay in ay ugu wacan tahay roondo ay samaynayaan ciidamada badda ee Maraykanka iyo kuwa kale ee xulafada la ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM