Mashruuca ballaarinta dekedda Bosaso oo la daah furay

Image
Image
Image
Image

May 29, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta  daahfuray mashruuca lagu ballaarinayo dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Xaflad kooban oo lagu qabtay  madaxtooyada Boosaaso ayaa waxaa kasoo qayb galay madaxda shirkada Divers Marine Contracting L.L.C oo ah shirkada fulinaysa mashruuca ballaarinta dekedda Boosaaso, wasiiro, isimo iyo masuuliyiin kale .

Dhinaca Puntland waxaa heshiiska u saxiixey Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Cabdullaahi Jaamac Saalax halka dhanka shirkadda Divers Marine uu u saxiixey Cabdallah Darwiish.


Heshiiska oo aan tafaasiil badan laga bixin!

Dowladdu wax tafaasiil ah kama bixin muddada uu qaadan doono mashruuca ballaarinta dekeddu, sidoo kale kama hadlin dhaqaalaha ku bixi doona iyo weliba muddada shirkaddaasi hayn doonto maamulka dekedda.

Garowe Online ayaa ogaatey in shirkadda maanta lagu wareejiyey mashruuca uu iska leeyahay ganacsade asalkiisu Falastiini yahay kaasoo deggen imaaradda Ra'sul Kheymah ee dalka Imaaraadka Carabta.


Xagee ku dambeeyey heshiiskii Shirkadda DP World?

Waxaa jirey wadahadal u socdey Dowladda Puntland iyo shirkadda DP World, taasoo horay looga ballan qaadey in lagu wareejin doono dekedda Bosaso.

Shirkaddan oo ah mid caalami ah kana shaqeysa in ka badan konton dal waxay in muddo ah gacanta ku haysey dekedda caalamiga ah ee dalka Jabuuti.

Mas'uuliyiin ka tirsan shirkadaas ayaa dhowaan soo gaarey Puntland iyagoo booqdey magaalooyinka Bosaso iyo Garacad.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in Madaxweyne Gaas safarkiisii ugu dambeeyey ee uu ku tegey dalka Imaaraadka Carabta uu lasoo shirey madaxda shirkadda iyagoo ka wada hadlay sidii labada dhinac heshiis u wada gaari lahaayeen islamarkaana mashruuca loo amba qaadi lahaa.

DP World ayaa dhowaan la wareegi doonta dekedda Berebera taasoo dib u habeyn iyo ballaarinba lagu sameyn doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM